Calaamada HIV-ga aan la dawaynin
Qofka qaba HIV ee aan la dawaynini waxa uu yeelan karaa calaamadaha soo socda:
- Todobaadka kowaad: isaga/iyadu waxay yeelan kartaa calaamado u eeg duray, finan ama gunud limfe oo bararsan.
- Mudada xigta raad qofku yeesho.
- Mudo (tani waxay noqon kartaa 2 sano ama wax ka badan) isaga/iyagu waxay yeelan kartaa mushkilado badan iyo/ama calaamado badan oo cusub.
- HIV waxa uu bartilmaameedsadaa nidaamka difaaca jidhka. Haddii aan la dawaynin qofka qaba HIV waxa u qaadi karaa aydhis sanado badan kadib. Maadaama oo difaaca jidhka qofku uu aad u wiiqmay isaga/iyagu iskama difaaci karto xanuunada kale. Caabuqyadaasi waxay horseedi karaan dhimasho.
La noolaanshaha HIV aan la dawaynin
Marka mar kasta wakhti hore la daweeyo qofka qaba HIV, waxa yaraanaysa in xanuunku kasoo darnaado oo ay HIV uu saameeyo caafimaadka qofka. Isaga/iyagu waxay noolaan karaan nolol caadi ah kaas oo xataa noolaan kara inta uu doono isaga oo qaba HIV.
Haddii qof qaba HIV la daweeyo ma jirto wax khatar ah oo isaga/iyagu ay ku qaadsiinayso qof marka uu sameeyo galmo aanu waxba u xidhan.
Baadhista HIV
Si aad naftaada uga shaybaadho haddii aad qabto hiv. Waa inaad iska baadhaa HIV oo aad u tagtaa dhakhtarka guud. Norway, magaalooyin badan waxay sidoo kale ku takhasuseen caafimaadka galmada haddii aad iska baadhayso iyo haddii kaleba. Ka dalbo dhakhtar inuu kaa caawiyo ama kula xidhiidhsiiyo adeega kaalmada.