Takoor la'aan

Norway, qof kasta wuxuu leeyahay xuquuq isku mid ah waxaana ku waajiba isla sharci iyada oo aan loo eegeynin xaaladaada HIV-ga.

Norway, waa ka mamnuuc in qof loola dhaqmo si aan sinaan ahayn ama lagu takooro qofka maadaama oo uu qofku qabo HIV. Tani waxay ka dhigan tahay waxaad haysataan fursad isku mid ah nolosha qofka, nolosha xirfadeed iyo nolosha qoyska. Tani waxaa waajibinaya Sharciga Sinaanta iyo Bilaa Takoorka

Haddii aad dareento takoor waxaad heli kartaa talo iyo tilmaamo ay kusiiyaan U Hogaansanka Sinaanta iyo Takoor La'aanta.

U sheeg dadka kale

Norway, wax waajib ah oo ku saaran oo ah inaad qof kale u sheego majiro inaad HIV ama Aydhis qabto, oo waxaad go'aansan kartaa cida aad doonayso inaad u sheegto. 

Norway, hiv iyo xanuunada la xidhiidha HIV waxaa daweeya khabiir xanuunada faafa ah, laakiin dhakhtarkaaga guud waa inuu ogaadaa inaad qabto HIV maadaama oo ay saamaynayso daawayntaada. 

Haddii aad qaadato wax dawooyin ah oo HIV-ga ah, waa inaad u sheegtaa dhamaan dhakhaatiirta si dawooyinka ay kuu siinayaan xanuunada kale ay ugu munaasab noqdaan oo loo wada qaadan karo dawada HIV-ga.

Qaadsiinta qof kale HIV-ga

Norway, waa sharci daro in ula kas qof kale loo qaadsiiyo HIV ama in iyada oo la og yahay khatar lagu geliyo in la qaadsiiyo qof kale iyada oo aan isaga laga qaadin ogolaanshaha khatarta. Tani waa isku mid qofka xidhiidhka rasmiga ah idinka dhaxeeyo iyo lamaanaha aad galmada samaysaan ee kale. 

Haddii aad samayso wixii macquul ah ee aad dadka kale kaga ilaalinayso inaad qaadsiiso caabuqu, ciqaab ku mudan maysid. Lagugu ciqaabi maayo haddii:

Ka qaadida shaqaalaha galmada, inaad isticmaasho irbadaha mukhaadaraadka iyo hooyada oo ilmaha u gudbisa sharciga laguma muto ciqaab. 

Sir dhakhtarka iyo bukaanka

Sharciyan, dhakhtarka iyo xirfadlaha caafimaadka looma ogola inay qof kale uga waramaan qof kale iyada oo aan adiga kaa haysan ogolaansho inaad qabto HIV. Tani waxaa kamid ah xataa jobcentre (Nav), UDI, cida aad u shaqayso, bilayska, xafiiska xeer ilaalinta, qoyskaaga, iwm.

Waxyaabaha laga soo reebo masuuliada sirta

Haddii aad qabto HIV oo aanad is dawaynin, oo dhakhtarkaagu u arko inaad khatar ugu jirto inaad qof qaadsiisay ama inaad qof qaadsiin karto, isaga/iyadu waxay xaq u yeelan karaan inay u sheegaan qof kale inaad qabto HIV. 

Mararka qaar, dhakhtarkaagu waxa ku waajib ah inuu u sheego qof kale inaad qabto HIV. 

Dhakhtarkaagu waa inuu marka hore adiga kaala hadlaa.

HIV iyo caymiska

Haddii aad qabto HIV oo aad qaadatay caymis, oo inta ay hawshu socoto lagu waydiiyay haddii aad qabto wax xanuun ah, waa inaad u sheegtaa inaad HIV qabto.

Haddii aad been sheegto, heshiiskaasi waxba kama jiraan.

Tani waxay meesha ka saaraysaa xaqa aad u lahayd inaad hesho adeegyada caymiska oo laguumana gudayo lacagtii aad hore u bixisay.

HIV iyo shaqada

Haddii aad qabto HIV, waxaad xaq u leedahay inaad u shaqayso si lamid ah dadka kale ee reer Norway, oo ay kamid yihiin shaqooyinka kaaliyaha caafimaad, daryeelka dadka waayeelka ah, daryeelka caruurta iyo daryeelka dhalinyarta, ama warshadaynta cuntada, iwm.

HIV laguma kala qaado hawlaha nolosha ee maalintii.

Dalbashada shaqada

Waraysiga shaqada, cida aad shaqada ka doonaysaa waxay xaq u leedahay inay ku waydiiso su'aalaha muhiimka u ah shaqada ee waxa lagaa doonayo inaad qabato. Cida loo shaqeeyaa looma ogola inay wax kaa waydiiso wixii xanuuno ah ee aad qabto, laakiin waxay wax kaa waydiin karta sida aad u qaban karto shaqo ee aad wakhti ugu heleyso. Haddii aad si khaldan uga jawaabto su'aalahan adiga oo u kasaya, cida aad u shaqaysaa taas waxay kaaga eryi kartaa shaqada mar danbe.

Maaha inaad u sheegto cida aad u shaqaynayso inaad qabto HIV haddii ayna muhiim u ahayn shaqada aad qabanayso. Waxaa kaliya loo baahan yahay xirfado yar oo ay daruuri tahay in la sheego inaad qabto HIV (tusaale ahaan haddii aad ka shaqaynayso meel badd ah ama wade qiiq), oo xataa way sii yar yihiin shaqooyinka aanad qaban karin haddii aad HIV qabto. Haddii aad u sheegto cida aad u shaqayso inaad qabto HIV, looma ogola in cida ku maamushaa u sheegto cida aad wada shaqaynaysaan haddii aanad u ogolaan.

Sidoo kale maaha waajib inaad marto shaybaadh HIV ah haddii aanad doonaynin, xataa haddii cida aad u shaqaysaa ay sidaa kugu wargeliso.

Haddii aad qabto HIV oo xanuunka si buuxda lagaaga daweeyay, waxay ka dhigan tahay sida qofka aan qabin HIV oo kale oo xanuunsan maysid mar kasta.

Eryida

Haddii lagaa eryo shaqada maadaama oo aad qabto HIV, waxaad ka dagaalami kartaa taas oo waxaad qabsan kartaa looyar. Waa mamnuuc Norway in qof lagaga eryo shaqada maadaama oo uu qabo HIV.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo