Norway, waa mamnuuc in qofka lagu takooro ama loogu caga jugleeyo: 

  1. Qofka looma ogola in la takooro ama loogu tacadiyo meesha uu ka yimid darteed. Meesha uu doonto haddii uu ka yimid qofku ama meesha uu doono haduu ku koray.
  2. Waa mamnuuc in qofka la takooro ama lagu tacadiyo jinsiga uu yahay darteed. Taasi waxaa kamid ah raga, haweenka, iyo dadka aan lagu sheegin rag iyo haween toona.
  3. Waa mamnuuc in qofka lagu takooro ama loogu tacadiyo rabitaankiisa jinsiga, bandhiga jinsigiisa ama aqoonsigiisa jinisga, tusaale ahaan maadaama oo uu yahay khaniisama jinsiga uu badalay.
  4. Waa mamnuuc in qofka la takooro maadaama oo uu qabo laxaad la'aan maskaxeed ama jidheed.
  5. Waa mamnuuc in qofka lagu takooro diinta uu haysto, danbi lagu xukumay ama aragtida caalamka - tani waxaa ku jira dadka dhamaan diimaha iyo sidoo kale dadka aan diinta haysan.
  6. Waa mamnuuc in qofka lagu takooro da'diisa - iyada oo aan loo eegeynin haddii uu yar yahay ama wayn yahay.

Haddii aad dareento takoor waxaad heli kartaa talo iyo tilmaamo ay kusiiyaan U Hogaansanka Sinaanta iyo Takoor La'aanta.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo