Marka uu qofku dhasho waxaa lagu qoraa jinsi kaas oo lab ama dhedig ah kaas oo ku salaysan xubinta taranka ee uu ku dhashay. 

Badanaa dadku waxay ku dhashaan xubin taran ah oo cad oo lab ama dhegid ah halka qaarna ay ku dhashaan laxaad la'aan, laakiin qaar yar ayaa ku dhasha xubnaha taranka ee lab iyo dhegid oo kuwada yaala.

Ka jinsiga ah ee lagu qoroyo waxa uu badanaa muhiim u yahay aqoonsiga jinsiga ee qof yeelanayo ee jinsiga uu aragtidiisa leeyahay qofku. Waxay saamaysaa waxa ay bulshada inteeda kale ka filayso sida aad u dhaqmayso iyo qaabka ay tahay inaad u eekaato, iyo kaalinta aad bulshada aad ku dhaqan tahay ku yeelanayso. Waxay sidoo kale saamayn kartaa cida aad xidhiidhka la yeelanayso iyo cida kaa heleysa. 

Aqoonsiga jinsiga iyo bandhiga jinsiga

Aqoonsiga jinsigaagu waa jinsiga lagugu aqoonsado. Badanaa, halka qof waxaa lagu aqoonsanayaa inuu yahay haweeneyda ama nin (ama inan ama wiil). Badanaa, taasi waxay waafaqsan tahay jinsiga ay ku dhasheen. Dadka lagu aqoonsado jinsiga markay dhasheen lasiiyay waxaa yaqaan jinsiga saxda ah (cisgendered).

Dadka qaar inaga mid ah aqoonsiga jinsigu siyar oo fudud uma waafaqsana qaybta sida nin ama haweeneyda, waxaana dhici karta inaanu qofku yeelan jinsigii lagu qoray markuu dhashay. Markaa waxaa iman kartaa inaanad doonin in laguu aqoonsado nin ama naag. Sidoo kale, waxaa dhici karta inaad naftaada u aqoonsato nin ama naag laakiin aanu jinsigaagi ahayn kii lagu siiyay markaad dhalatay. Dadka aan lagu aqoonsan jinsiga markay dhasheen lasiiyay waxaa loo yaqaan jinsiga la badalay ama badal.

Si ka duwan aqoonsiga jinsiga, bandhiga jinsiga qofka waa shay la arki karo ama ay labada jinsiba isku arki karaan. Tusaalaha waxaa kamid ah: magaca qofka, dharka, waxa uu doonayo qofku in loogu yeedho, timaha, timaha wajiga, codka, habdhaqanka ama muuqaalka jidh ahaan. Dadka jinsiga badalay waxay badanaa doonaa in loogu yeedho jinsiga ay isku badaleen oo inuu noqdo aqoonsigooda jinsiga oo aanu noqon jinsiga lasiiyay. 

Jinsiga iyo kaalinta jinsiga

Bulshada waxaa jira waxyaabaha qaar ay uga fadhiyaan waxa uu noqonayo in la noqdo nin ama haweeney, iyo kaalinta ay raga iyo haweenka ku yeelanayaan bulshada (kaalinta jinsiga). Badanaa taas waxaa loo yaqaan jinsi

Jinsigu waxa uu saamayn karaa:

  • Sida ninka ama haweeneydu ay tahay inay u eekaato.
  • Sida ninka ama haweeneydu ay tahay inay u dhaqanto.
  • Waa maxay ninka ama haweeneyda caadiga ahi.

Kaalintoodu iyo filashooyinkoodu wuu kala duwan yahay waxaanu ku xidhan yahay dhaqanka iyo bulshada. Waxaa ay ka dhaxlaan waalidka iyo bulshada. Kaalinta iyo filashooyinku way is badali karaan mudo kadib waxayna u muuqan karaan kuwa sii kala duwanaanaya dalal badan. 

Sidoo kale xidhiidhka, raga iyo haweenka waxay leeyihiin kaalimo kala duwan. Kaalinta raga iyo haweenku muhiimiyadeedu waa isku mid

Rabitaanka galmada

Dadku waxay leeyihiin rabitaan galmo oo kala duwan. Tusaale ahaan: dadka galmada caadiga ah (waxa uu jecel yahay jinsiga kale), khaniisiintu (waxay jecel yihiin jinsigooda) ama kuwa labada jinsiga wax ka dayaa (waxaa iskugu mid ah labada jinsiba).

Dadka qaar ma eegaan jinsiga cida ay ka helaan ee ay u hamoonayaan jidh ahaan iyo/ama dareen ahaan. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo