Norway, qof kasta wuxuu leeyahay xuquuq isku mid ah waxaana ku waajiba isla sharci iyada oo aan loo eegeynin jinsigiisa.

Norway, waa ka mamnuuc in qof loola dhaqmo si aan sinaan ahayn ama lagu takooro qofka maadaama oo uu nin ama haweeney yahay. Tani waxay ka dhigan tahay waxaad haysataan fursad isku mid ah dhinac kasta oo nolosha ah: nolosha qofka, nolosha xirfadeed iyo nolosha qoyska. Tusaale ahaan, iyada oo aan loo eegeynin jinsi, qof kastaa waxa uu leeyahay xuquuq:

  • inuu tago waxbarasho;
  • inuu naftiisa go'aan u gaadho/xirfada uu qaadanayo ee uu doonayo inuu ku takhuso;
  • inuu naftiisa go'aan u gaadho/haddii aanu doonaynin inuu guursado iyo haddii kale;
  • inuu naftiisa go'aan u gaadho/haddii aanu doonaynin inuu caruur dhalo iyo haddii kale.

Sharciga Sinaanta iyo Takoor La'aanta ("Likestilling- og diskrimineringsloven")

Sharcigan waxaa loogu talo galay in kor loogu qaado sinaanta oo uu kahor tago takoorka ku salaysan jinsiga, uurka, tagista la xidhiidha ilmaha dhalis ama korsasho, masuuliyadaha daryeelka, qoomiyada, diinta, mabda'da, laxaad la'aanta, rabitaanka jinsiga, aqoonsiga jinsiga, bandhiga jinsiha, da'da ama wax kale oo habdhaqan qofka ah oo wayn.

Sinaantu waxay ka dhigan tahay xaalad isku mid ah, fursado isku mid ah iyo xuquuq isku mid ah. Heli ku celcelinta sinaanta iyo qaabilaada.

Kaalmo iyo taageero

Haddii aad dareento takoor waxaad heli kartaa talo iyo tilmaamo ay kusiiyaan U Hogaansanka Sinaanta iyo Takoor La'aanta.

U HogaansankaKormeeraha Arrimaha Sinaanta iyo Takoor La'aanta waxa ay kaa caawin karaan inaad xarayso cabasho. Waxay ka shaqaynayaan in la xaqiijiyo sidii raga iyo haweenka si isku mid ah loola dhaqmi lahaa, oo loola dagaalami lahaa takoorka ku salaysan jinsiga, qoomiyada, diinta, laxaad la'aanta, rabitaanka galmada, aqoonsiga jinsiga, bandhiga jinsiga iyo da'da.

U hogaansanka waxaa saaran masuuliyada inay xaqiijiyaan sharciga Norway ee u dhigma Heshiiska UN ee Meesha Ka Saarida Dhamaan Nooc Kasta oo Takoorka ah ee Haweenka (CEDAW), Shirka Takoorka Sinjiga (CERD) iyo Shirka Xuquuqda qofka Laxaadka La' (CRPD).

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo