Xidhiidhka Khaniisiinta

Khaniisnimadu waxay ka dhigan tahay dareen iyo xidhiidh galmo oo dadka isku jinsiga ah ka dhaxeeya. Raga raga jecel iyo haween haweenka jecel. Raga khaniisiinta ahi waxaa sidoo kale loogu yeeshaa oo ay isku yaqaanaan khaniisiin. Haweenka khaniisiinta ahi waxaa sidoo kale loogu yeeshaa oo ay isku yaqaanaan khaniisiin (lesbiyaan). Dadka qaar ayaa rag iyo haween labadaba ka hela. Dadka noocaan ah waxaa loo yaqaan ama ay isku yaqaanaan dadka xidhiidhka labada jinsi la leh.

Khaniisnimadu aad ayay u kala duwan tahay dadka marka la eego oo wakhtiyada nolosha ee gaar ahna way ku xidhan tahay. Dadka qaar ayaa iyada oo caruur ah ama marka ay kurayga noqdaan ogaada inay khaniisiin yihiin. Dadka qaar ayaa dareenka khaniisnimada yeesha wakhti kamid ah noloshooda. Dadka qaar ayaa ka hela dadka ay isku jinsiga yihiin laakiin dareenkaas kama dhabeeyaan.

2 nin oo xidhiidh leh
Laba haween ah oo khaniisiin ah oo caruurtooda la jooga

Sababta dadka khaniisiin u noqdaan

Ma garaynayno sababta dadku jinsiga kale uga helaan, laba jinsiga uga helaan ama dadka ay isku jinsiga yihiin uga helaan. Laakiin waxyaabaha qaar ayaa la hubaa:

  • Soo jiidashada galmadu maaha mid uu qofku iska doon doono.
  • Rabitaanka jinsiga maaha mid lakala dhaxlo, sida midabka indhaha ama timaha. 
  • Dadka caadiga ah, dadka khaniisiinta ah iyo dadka labada jinsiba u galmooda waxay ka jiraan dhamaan dalalka iyo dhaqamada. Laakiin, xidhiidhka khaniisiintu waxa uu ka yar yahay xidhiidhka caadiga ah ee laba jinsi.

Xuquuqda galmada uu qofku doonayo waxa la aqoonsan yahay si rasmi ah dalal badan. Laakiin khaniisnimada iyo galmada labada jinsi dalal badan lagama aqbalo. Mararka qaar waa la takooraa oo waa la xidh xidhaa. Norway iyo dalal badan oo Yurub ah takoorta dadka khaniisiinta ah iyo dadka laba jinsi u galmooda waa mamnuuc sharciyan.. Sida uu dhigayo sharcigu, qofna looma ogola inuu dad si ka gedisan ula dhaqmo, inuu ka reebo wax ama uu ku takooro maadaama oo ay yihiin khaniisiin.

U sheegida dadka kale inaad tahay khaniis ama labada jinsiga ka hesho

Dad badan oo ah khaniisiin ama labada jinsiga u galmooda ayaa u arka inay muhiim tahay inay u sheegaan asxaabtood, qoyskooda ama dadka kale si loo ogolaado cida ay yihiin. Haddii aad khaniis tahay, adiga ayuu ku saaran yahay cida aad u sheegeyso, goorta aad u sheegeyso iyo haddii aad u sheegeyso.

  • Mararka qaar, waxay u baahan tahay dhiirani inaad u sheegto dadka kale inaad tahay khaniis ama qof labana jinsiba wax ka eega.
  • Waxay noqon kartaa wax wayn oo aad ku bogsato. Maaha wixii intaa ka danbeeya inaad qariso dareenkaaga. Marka kowaad, kala hadal dadka aad ku kalsoon tahay ee aad og tahay inaad aqbalayaan inaad tahay waxa aad tahay.
  • Dadku siyaabo kala duwan ayay uga jawaab celin karaan inaad tahay khaniis. Dad badan ayaa kaga jawaab celinaya si wanaagsan ama caadi ah, laakiin waxaa jira dad si xun uga jawaabaya maadaama ayna aqbalin dadka khaniisiinta ah. Siday doonto ha noqotee, cid Norway joogta oo xaq u leh inay si xun kuula dhaqanto ama ku takoor taas darteedi ma jirto.
  • Haddii uu qof si xun kuula dhaqmo ama kugu takooro maadaama oo aad khaniis tahay ama labada jinsiba wax ka daydo, waxaad ka heli kartaa caawimo U Hogaansanka Sinaanta iyo Bilaa Takoorka.

Guurka lamaanaha isku jinsiga ah

Norway iyo dalal kale oo Yurub ah, dadka isku jinsiga ah way isku guursan karaan.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo