Qof kasta oo ku nool Norway waxa uu xaq u leeyahay inuu helo daawanta daruuriga ah iyo adeegyada daryeelka. Taasi waxaa kamid ah qaxootiga iyo dadka kale ee soo galaytiga ah kuwaas oo sharci ku degan dalka. Dadka maqan galyo doonka ahi waxay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka, laakiin dadka waawayn ee magan galyo doonta xaq uma laha adeegyada kale ee daryeelka. 

Qof kasta oo ku nool Norway waxa uu xaq u leeyahay daryeelka caafimaad ee gurmadka degdeg ah. Tusaale ahaan: haddii ay dhacdo inaad dhaawacanto oo ay tahay in lagu dhigo isbitaal, haddii aad u baahan tahay inaad uur iska soo xaadho ama haddii aad foolanayso. Tani sidoo kale way jirtaa haddii aad dalxiise tahay ama haddii aad sharci ku degan tahay dalka. 

Dhamaan caruurta da'doodu tahay 18 jir waxay leeyihiin xuquuqda daryeelka caafimaad, laakiin caruurta aan sharci ku deganayn dalku xaq uma laha xirfadlaha caafimaadka guud. Dhamaan caruurtu waxay xaq u leeyihiin inay maraan shaybaadh caafimaad iyo talaal ay ka helaan xarunta caafimaadka shacabka iyo adeegyada caafimaadka dugsiga. 

Halkee ayaan ka heleyaa caawimo?

  • Haddii ay macquul tahay, mar kasta waxaad la xidhiidhi kartaa xirfadla caafimaadka guud.
  • Haddii aanu xirfadlahaaga caafimaad ee guud aanad heli karin, oo xaaladu ayna kugu simaynin, waxaad la hadli kartaa saacadaha fasaxyada adeega caafimaadka oo aad kala hadlayso 116 117.
  • Lahadal 113 haddii ay degdeg tahay oo ay noloshaadu khatar geli karto.

Dawlad hoose oo kastaa waxay sidoo kale leedahay xarun caafimaadka ah iyo adeegyada caafimaadka dugsiga kuwaas oo bixiya latalin, la socod iyo daryeelka caafimadka oo haweenka uurka leh ah, waalidka leh caruurta ay da'daadu u dhaxayso 0 ilaa 5, iyo dhalinyarta ilaa ay tahay da'doodu 20. 

Haddii aad dugsi hoose dhigato (Norway: "barneskole"), dugsiga sare dhexe oo qaybta hoose ah ("ungdomsskole") ama dugsiga sare qaybta sare ("videregående") waxaad caawimo ka heli kartaa adeega caafimaadka dugsiga. Adeegyada xarumaha caafimaadka shacabka iyo adeega caafimaadka dugsigu waa bilaash.  

La xidhiidh xirfadlahaaga caafimaad guud kowaad

Dhamaad dadka degan Norway, oo ay kamid yihiin dadka magan galyo doonka ah, qaxootiga iyo dadka lasiiyay dib u midaynta qoyska, waxay xaq u leeyihiin in lagu qoro xirfadle caafimaad oo guud oo dawlada hoose ee ay degan yihiin ah. Si laguugu qoro xirfadle guud waa in aad ka duwaan gashan tahay oo aad haysataa lambarka aqoonsiga qaranka ama lambarka D. 

Badanaa, haddii aad doonayso inaad la hadasho dhakhtar, waa inaad marka hore la xidhiidhaa xirfadla caafimaadka guud ah. Haddii xaalada laga soo reebey ay tahay mid degdeg ah, oo aad xirfadlahaaga kowaad waydo. Markaa waxaad la xidhiidhi kartaa adeega saacada fasaxa ee caafimaadka. Haddii aan lagugu qorin weli dhakhtar guud waxaa macquul ah inaad balan ka samaysato adeega caafimaadka saacadaha fasaxa.

Haddii ay daruuri tahay, xirfadlaha daryeelka caafimaad ayaa kuu gudbin kara khabiirka, tusaale ahaan, dhakhtarka haweenka ama dhakhtarada cilmi nafsiga. Haddii dhakharka guud uu sidoo kale kuu qoray dawo oo uu cadeeyay inaad aad uga maqnayd shaqada xanuun.

Xarumaha caafimaadka shacabka

Xarunta caafimaadka ilmaha iyo hooyadu waa adeeg la siiyo haweenka uurka leh, caruurta u dhaxaysa 0 ilaa 5, iyo waalidkood. Xarunta caafimaadka hooyada waxaa ka shaqeeya umuliso, kaaliyaha caafimaadka shacabka, dhakhtar iyo dhakhtar cilmi nafsi. Xarunta caafimaadka shacabka oo ay ku lamaan yihiin adeegayda dawlada hoose ee kale iyo isbitaalada deegaanku. 

Xarunta caafimaadka shacabka waxay bixisaa daryeelka dhamaan caruurta joogto Norway oo bilaasha ah. Adeegyada lagu bixiyo waxaa kamid ah shaybaadhka caafimaad, talaalada iyo bixinta talooyinka iyo latalinta waalidka. Caruurtu waxay xaq u leeyihiin inay helaan shaybaadhka caafimaad ee dawlada hoose ee ay degan yihiin, ama si ay kumeel gaadh ah u joogaan. Caruurta aan haysan daganaanshaha rasmiga ah ee Norway waxay leeyihiin xuquuq lamid ah caruurta kale. 

Dawladaha hoose qaar, xarumaha caafimaadka shacabku waxay bixiyaan daryeelka dhalmada kahor iyo adeegyada umulisada. 

Badanaa dawlada hoose waxa sidoo kale leeyihiin xarumo caafimaadka dhalinyarta ah, halkaas oo dhalinyarta da'doodu tahay 20 ay ka heli karaan talo iyo caawimo kaaliyaha caafimaadka shacabka ah, dhakhtar ama dhakhtar cilmi nafsi mawduucyada sida:

Dawlado hoose oo badan waxay adeega gaadhsiiyeen ilaa oo ay xarumaha u diyaariyeen inay ka helaan dhalinyarta dhawr iyo toban jirka ilaa 23 jirka.

La xidhiidh caafimaadka dalwadaada hoose iyo adeegyada daryeelka ama ka eeg websaytka dawlada hoose si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan umulisooyinka iyo xarumaha caafimaadka shacabka ee dawlada hoose ee halka aad degan tahay.

Kharashka daryeelka caafimaadka

Dadka waawayn ee degan Norway waxay bixiyaan kharashka adeegyada la siiyay saacadaha shaqada wixii ka baxsan ee adeega caafimaadka, dhakhtarka guud, ama dhakhtarka cilmi nafsiga, ilaa xadi. Marka khatarkaagu uu dhaafo xadigaas, waxaad xaq u leedahay kaadhka ka jarida ("frikort"), oo loogama baahna in wixii intaa ka badan ay bixiyaan. Ha bixinin kharashka haddii lagu dhigo isbitaalka. Caruurta kayaryar 16 jirka ma bixiyaan wax kharash ah. 

Haddii aad tahay dalxiise, ama haddii lagu siiyay Diidmadii Ugu Danbaysa ee dalabka magangalyada, waa inaad sharciyan bixisaa kharashka daryeelkaaga caafimaad ee dhakhtarku iyo daawaynta isbitaal aad ka heshey. Taasi ma dhacdo haddii aad ilmo dhasho.

Haddii ay dhacdo xaalad gurmad degdeg ahi maaha inaad bixiso kharashka kahor inta aanad helin daryeelka. 

Haddii aanad awoodin inaad iska bixiso kharashka, waxaa bixin doonta kharashkaaga adeega caafimaadka ee dawlada hoose ama isbitaalka. 

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho turjumaan

Xirfadle caafimaadku waa inuu kusiiyaa turjumaan ku hadlaya luuqadaada haddii ay kugu adag tahay inaad ku sheegto waxa aad doonayso Norwegian, oo aad markaa u baahan tahay inaad isticmaasho luuqadaada. Xirfadlaha caafimaad ayaa ka masuul ah inuu qiimeeyo haddii aad u baahan tahay turjumaan iyo in kale. Adeegyadu waa bilaash. 

Waxaa muhiim ah in la ogaado:

  • Turjumaan waxaa ku waajib ah sharciga sirta.
  • Turjubaanku waa inuu kaliya turjumaa waxaa aad sheegtey.
  • Su'aalaha waa in lagu socodsiiyaa xirfadlaha caafimaadka, oo ayna ku socon turjubaanka.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo