Tacadiga galmada

Tacadiga galmadu waa marka uu qof kuu isticmaalo kalmado galmo ama ficil kaas oo ah qaab adiga uu kugu bahlidayo. Qofkaasi waxa uu ku xad gudbay xuduudaada si uu u dareemo awood. Norway, tacadiga galmadu waxa lagu mutaystaa ciqaab sharci

Raga iyo haweenku labaduba waxay ku kacaan tacadi galmo. Dadka ay saamaysay tacadiga galmadu waxay noqon karaan dad waawayn ama caruur. 

Tacadiga galmadu waxa uu leeyahay noocyo badan:

  • Dadka qaar ayaa isticmaala kalmado galmo oo doona inay kaaga xanaajiyaan kalmadahaas.
  • Dadka qaar ayaa ku taabanaya laabta ama dabada, xataa haddii aanad doonaynin.
  • Qof ayaa kugu dhibaya waxyaabo muuqaalo galmo oo taaleefanka ku jira, internetka ama fariimo qoraal ah.
  • Qof ayaa ku tusaya sawiro galmo ama filimaan adiga oo aan doonaynin ama isaga oo aan marka hore ku waydiinin.
  • Qof ayaa kugu khasbi kara inaad samayso ficil galmo ama doona inaad daawato ficilo galmo ah.

Waxaa jira noocyo badan oo tacadiyada galmada ah. Waxaa muhiim ah inaad dareenkaaga ku kalsoonaato oo aad wax wayn u aragto. Qofna looma ogola inuu kuu taabto qaab galmo ah adiga oo aan doonaynin ama uu ku sameeyo wax talaabo galmo ah adiga. Adiga ayaa go'aansanaya waxa aad doonayso iyo waxa aanad doonaynin.

Caruurta ayaa sidoo kale noqon dhibane tacadi galmo.

Dadka lagula kacay tacadi galmo badanaa waxaa ku adkaata inay dalbadaan kaalmo. Badanaa way ka xishoodaan ama danbiile ayay dareemaan. Inaad doonataa kaalmo waxay calaamad u tahay awood. Qof kasta, iyada oo aan loo eegeynin jinsiga ama da'da, waxa uu xaq u leeyahay inuu helo kaalmo. Waxaad ka ogaan kartaa macluumaadka latalinta iyo caawimada halkan. Waxaad sidoo kale ka heli kartaa meesha aad caawimada ka heleyso dinutvei.no

Hoos u dhiga tacadiga galmada

Si looga hortago tacadiyada galmada, waxaa sidoo kale dadku heli karaan caawimaad iyo latalin ee dadka ku kacay tacadiga galmada, ama kuwa ka baqanaya inay ku kici doonaan tacadi galmo. Dadka leh rabitaan aad u badan oo ah inay dadka kale ku bahdilaan galmo waxay ka heli karaan caawimo kahor inta ayna ku kicin.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo