Tacadiga lamaanuhu waa qaab kasta oo tacadi ah oo u dhaxeeya 2 qof kuwaas oo leh xidhiidh dareen iyo/ama galmo (xidhiidh). Tacadiga lamaanuhu badanaa waxa uu muujiyaa inayna jirin sinaan u dhaxaysa lamaanaha.

Tacadiga lamaanahuhu sharciyan waa mamnuuc

Tacadiga lamaanuhu waxa uu ka dhici karaan dhamaan dabaqadaha iyo dhaqamada bulshada.

Noocyada tacadiga lamaanaha

Waxaa jira 4 nooc oo tacadiga lamaanaha ah:

  • Tacadi cilmi nafsi, tusaale ahaan: cay, sharaf dhac, hanjabaad ama in la iska dhago mariyo lamaanaha. 
  • Tacadiga jidhka, tusaale ahaan: garaac, laag, habdhaqan xun, in lagu khasbo lamaanahaaga inuu sameeyo ama in lagu sameeyo talaabo xun (tusaale ahaan: in loogu maydho biyo aad u kulul).
  • Tacadiga galmada, tusaale ahaan: inaad ku khasabto lamaanahaaga inuu galmo sameeyo (kufsi) ama in lagu khasbo inuu hab dhaqan galmo ah sameeyo taas oo aanu rabin. 
  • Tacadiga dhaqaale, tusaale ahaan: inaad adigu go'aamiso waxa aad ku samayso lacagtaada ama lacagta lamaanahaaga iyada oo aanad ka talo gelin ama waxa aanu doonaynin, inaad biil ku filan aanad qoyska siinin, inaad u duudo wixii alaab ah ee daruuri ah. 

Xalinta tacadiga lamaanaha

Marka wada hadalku ay macquul tahay inuu tacadi ku dhamaado, waxaad qabataa meel badbaado ah, xataa haddii ay mudo yar oo gaaban tahay. Marka aad hubsato inaad badbaado tahay, waxaad markaa ka fikir kartaa waxa aad doonayso iyo waxa aad ka samayn karto. 

Haddii ay adkaato inaad xaliso mushkilad tacadiga lamaanaha adiga kaligaa. Tacadiga lamaanuhu waxa uu u badan tahay inuu mar kalena dhaco. La xidhidh adeega xirfadalaha, sida dhakhtarka, bilayska ama xarumaha mushkilada loo tago. Haddii aad doonayso, waxaad kala hadli kartaa qof aad u kalsoon tahay inuu kuu raaco. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa khadka caawimada wixii tacadiga ah ee lamaanaha. Waxaad ka ogaan kartaa wixii macluumaad ah ee dheeraad ah ee sida aad u heli karto caawimo dinutvei.no.

Xirfadle ayaa ku dhagaysan doonaa oo aan si gooni ah kuu eegi doonin. Waxay sidoo kale qadarin doonaan  sirtaada.

Haddii aad doonayso inaad joojiso tacadiga, maaha khasab inaad meesha ka saarto xidhiidhkaaga ama inaad ka tagto lamaanahaaga. Wax kasta oo aad go'aansato inaad samayso, mar kasta waxaad ka fikirtaa badbaadadaada (badbaadada caruurtaada) iyo badqabkiina. 

Haddii aanad kalsooni qabin, dareemeyso danbiile ama xishoonayso, naftaada ha saarin khaladka. Dareemadani badanaa waxay ka yimaadaan tacadiga lamaanaha. 

Haddii aad ka xanaaqdo, waxaad heli kartaa kaalmo sidii loo joojin lahaa inayna soo noqon tacadiga lamaanuhu mustaqbalka. Dalbo kaalmo xirfadle. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo