Bulsho kastaa waxay leeyihiin aragtiyo kala duwan oo sharafta ah. Sharaftu waxay badanaa la xidhiidhaa saamaynta aqoonsiga shakhsiga iyo mabaadii'da bulshada. Qofku waa inuu badanaa buuxiyaa shuruudo maskaxda lagu hayo si loo aqoonsado. Haddii aanu qofku buuxinin shuruudahan, waxaa badanaa loo fahmaa inay xad gudub ku tahay sharafka qofka iyo sharafta qoyska.

Haddii sharafta qoyska meel lagaga dhaco ama meel lagaga dhici karo, qoysasku banaa waxay isticmaalaan awood si ay sharaftaas usoo celiyaan. Qoysaska qaar ayaa taas u adeegsada gacanka hadal. Yoolka dagaalkani waa in lagu ilaaliyo sharafta qofka, ama qoyska ama in dib loosoo celiyo sharatii dhimatay. Kuwani waxaa loo yaqaanaa tacadiga la xidhiidha sharafta.

Sharafta qoysku badnaaa waxay la xidhiidhaa habdhaqanka haweeneyda qoyska, laakiin wiilasha iyo hablaha, raga iyo haweenka, waxay dhibane u yihiin tacadiga la xidhiidha sharafta. Tusaale ahaan haddii:

  • haddii laga walaaco haddii aanay haweeneydu bikrad ahayn,
  • qof uu samaysto xidhiidh (galmo) kahor inta aanu guursan,
  • qof uu kasoo horjeedo guurka cida la siiyay,
  • qofku uu u dhacmo ama u labisto si ka duwan sida qoyska doonaynin ama filanayo,
  • haddii uu qofku go'aansado inuu ilmaha iska soo xaadho.

Norway, tacadi kasta nooca uu doono ha noqdee oo dadka lagula kacaa waa mamnuuc. Markaa, tacadiga la xidhiidha sharafta sidoo kale waa mamnuuc markaa ka eego sharciga waxaana lagu mutaystaa ciqaab. 

Noocyada tacadiga la xidhiidha sharafta

Bulshooyin badan, ragu waxay leeyihiin xoriyad iyo awood ka badan ta haweenka. Kaalinta raga iyo haween (kaalinta jinsiga) aad ayay u kala duwan tahay. Waana taas sababta badanaa tacadiga la xidhiidha sharafta ay haweenka ugu dhacaan.

Tacadiga la xidhiidha sharaftu waxa uu noqon karaa noocyo badan, tusaale ahaan:

  • Xakamaynta: waxaa ku ilaalinaya xubin qoyska ah oo lama bixi kartid asxaabta ama masoo jimicsan kartid.
  • Gacan qaad: waxaa lagu laagay ama waa lagu garaacay.
  • Ciqaab maskaxeed: waxaa laguula hadlayaa si xun ama waa laguu caqa juglaynayaa, xubnaha kale ee qoysku adiga kula hadlayaan, kaama helaan ama way is diidsiinayaan inaad garab joogto. 
  • Waxaa lagugu khasbayaa inaad guursato adiga oo aan doonaynin (guurka khasabka ah).
  • Waxaa lagugu khasbayaa inaad naftaada khaarajiso.
  • Waxaa ku khaarajinaya xubin kale oo qoyska ah. 

Mararka qaar raga ayaa lagula kici karaa tacadiga la xidhiidha sharafta, tusaale ahaan, haddii ay noqdaan khaniisiin ama haddii ay diidaan haweeneyda la siiyay.

Dadka ku kacaya tacadiyadani badanaa waa dhibanaha qaraabadii. Mararka qaar dhibanaha lamaanihiisa. Wax ka badal hal xubin qoyska ayaa ku kici karta tacadiga noocan ah. Dadka ku kacaya tacadigan waxay taageero ka heli karaan dad kale ee u arka inay talaabadani ay daruuri u tahay si loogu soo celiyo sharaftii qoyska. 

Helida kaalmo

Haddii aad dhibane u tahay tacadiga la xidhiidha sharafta ama aad ka baqi qabto, doono kaalmo:

  • La hadal qof aad ku kalsoon tahay.
  • Haddii aad qabato dugsiga, waxaad la xidhiidhi kartaa macalinkaaga si uu kuu caawiyo. Ka sheekee inaad ka baqanayso tacadi. U sheeg waxa aad ka baqanaysaa waxa uu yahay. Markaa macalinkaaga ayaa kaa caawin kara.
  • La xidhiidh hay'ada khabiirka ku ah ama adeegyada la talinta kuwaas ayaana ku caawin kara.
  • La xidhiidh xaruntaada mushkilada deegaanka
  • La xidhiidh bilayska. Ka sheekee tacadiga. U sheeg waxa kugu dhacay. Markaa bilayska ayaa ku caawin kara.

Waxaad ka heli kartaa wixii macluumaad ah ee dheeraad ah ee sida aad u heli karto caawimo dinutvei.no.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo