Soo xaadhiga ilmaha uurka ku jiraa waa nidaam caafimaad oo aad meesha kaga saari karto uurka kahor inta aanu dhalan.

Norway, haweenku waxay go'aansan karaan haddii ay doonayaan inay iska soo xaadhaan ilaa todobaadka 12 ee uurka.  Waxaa macquul ah inaad uurka meesha ka saarto wixii ka danbeeya 12 todobaad , laakiin waxaa ka waajiba shuruudaha qaar

Qaababka ilmo iska soo xaadhka

Waxaa jira laba qaab oo ilmaha la iskaga xaadho: uurka iska soo xaadhiga dawooyinka iyo uur iska soo xaadhida qaliinka (suction curettage). Labaduba waa macquul inay la sameeyo ilaa todobaadka 12 aad ee uurka. Norway, waxaa caam ah inaad uurka iskaga soo xaadho dawooyin.

  1. Dawo ilmo iskaga soo xaadhida: Kuwaas oo guriga iyo isbitaalka labadaba laga qaadan karo. Si aad ilmaha adiga oo gurigaaga jooga iskaga soo xaadho waa inaad ugu yaraan ahaataa 18 jir. Ilmo iska soo xaaqa guriga ma la heli karo marka uu jiro xanuun daran, haddii ay jirto isfahan la’aani ama wixii ka danbeeya toddobaadka sagaalaad ee uurka. Haddii aad ilmaha isaga soo xaadho adiga oo jiibsanaya isbitaalka, waxaa marka hore lagu siinayaa kiniin, kahor inta aanad usoo noqon (caadiyan) laba maalmood kadib si aad u qaadato kiniino kale. Haddii aad ilmaha gurigaaga iskaga xaadhayso waxaad sidoo kale marka hore lagu siin karaan kiniino adiga oo isbitaalka jooga, laakiin halkii aad kaga soo noqon lahayd isbitaalku waxa uu dawooyinka inta hadhsan kuugu keenayaa guriga. Dawada ilmaha soo tuurta waxa ay keenaysaa in ilmagaleenku isku noqdo, si markaa ilmuhu u soo baxo. Waxaa uu dhiig kaa socon doonaa dhawr maalmood.
  2. Qaado ku xaaq nuugis leh (Suction curettage): Haddii isbitaalka lagu sameeyay. Dhakhtarku waxa uu ku siin doonaa suuxdin guud. Dhakhtarku waxa uu ka nuugi doonaa makaanka iyo dheecaanka makaanka wixii ku hadhsan. Qaliinku waxa uu qaadanayaa ilaa 10 daqiiqo. 

Haweenay waxaa uurka laga soo xaadhi karaa iyaga oo aan ogolaansho uga baahan lamaanahooda.

Waxaad weli dhali kartaa ilmo kale marka aad ilmahan iska soo xaadho. 

Haddii aad wax su'aal ah ka qabto ilmo iska soo xaadhida

Haddii aad wax su'aal ah ka qabto uurka iska soo xaadhiga, waxaa kala hadli kartaa dhakhtarkaaga, ama waxaad samaysan kartaa balan xarunta caafimaadka shacabka ah ee dhalinyarta ama kaaliyaha caafimaadka dugsiga. Waxaa sidoo kale jira hay'ado kala duwan oo bixiya latalinta oo aad la xidhiidhi karto.

Waxaad sidoo kale la xidhiidhi kartaa Amathea, taas oo bixisa talooyin iyo latalin haweenka doonaya inay ilmaha iska soo xaadhaan.

  

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo