Qofka qaba HIV waxa uu u qaadi karaa uu sida caadiga ah waxaanu dhali karaa caruur aan qabin HIV.

Uur u qaadida caadiga ah

Haddii aad daawayn wax ku ool ah oo HIV-ga ah qaadatay, waxaad samayn kartaa galmo adiga oo aan koondhom isticmaalin. 

Waxaa lagu taliyaa inaad kala hadasho dhakhtar iyo lamaanahaaga haddii aad doonayso inaad samayso galmo adiga oo aan isticmaalin koondhom.

Haweeney la hadlaysa dhakhtar
Lamaane sheekaysanaya

Haddii ayna macquul ahayn inaad sida caadiga ah uur u qaado

Haddii ayna macquul ahayn inaad uur u qaado sida caadiga ah, waxaa jira qaabab kale:


Haddii uu ninku qabo HIV

Biyaha taranka ninka waxaa la socda fayruska HIV.

  • Dhakhtarka ayaa 'maydhaya' biyaha taranka si uu uga saaro fayruska.
  • Dhakhtar ayaa ku shubaya biyaha taranka ee uu nadiifiyay makaanka haweeneyda isaga oo adeegsanaya siriinji.

Haddii ay haweeneydu qabto HIV

  • Unugyada beedka kula jimo fayrusku.
  • Dhakhtarka ayaa ku shubaya biyaha taranka makaanka isaga oo adeegsanaya siriinji.

Uurka iyo HIV

Haweenka uurka leh ee qaba HIV waa inay qaataan dawooyinka inta ay uurka leeyihiin iyo marka ay umulayaan. Markaa khatarta in ilmuhu qaado way yaraanaysaa. 

Ilmuhu waxa uu badanaa u dhashaa sida caadiga ah. Haddii uu dhakhtarku u arko in ay badbaado tahay, in ilmuhu wuxuu ku dhalanayaa qaliin (dhalmada qaliinka). 

Ilmaha waa in lasiiyaa dawo marka uu dhasho kadib. 

Hooyadu waa inayna naaska siinin ilmaheeda. Caanaha naaska waxaa la soconaya fayruska HIV. Waxaa jiraa qaar kale oo la isku dhax galo ilmhaaga.

Haweenka qaba HIV waa inay qaataan dawooyinka inta ay uurka leeyihiin iyo marka ay umulayaan.
Caadiyan, ilmuhu waxa uu u dhashaa sida caadiga ah.
Ilmaha waa in lasiiyaa dawo marka uu dhasho kadib.
Hooyadu waa inayna naaska siinin ilmaheeda.
Hooyadu waxa ay ilmaha siinaysaa masaasad.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo