Mudada Caadada: bilawga caadada

Waxaad uur qaadi kartaa maalmo gaar ah oo wareega bisha ah. Waxaad la bilaabi kartaa maalin kowaad ee aad gudaha ferjiga ka dhiigtay. Taas waxaa loo yaqaanaa wakhtiga caadada

Waxa uu wareegaagu ku eeg yahay inta u dhaxaysa 25 ilaa 35 maalmood: 

  • Haweenka qaar ayaa leh wareeg bisha oo kayar kuwa kalena waxay leeyihiin mid dheer. 
  • Haweenka qaar ayaa yeesha wareeg bil oo aan caadi ahayn. Bil kasta, waxaa kala duwanaata mudada wareegooda. 
  • Mudada wareega bishu wuu isbadali karaa nolosha haweeneyda. Inta ay ku jiraan marka ay qaan gaadhaan, caadadu badanaa malaha wakhti rasmi ah.
Haweeneyda taagan. Waxa diirada la saaraa waa qaybta xubnaha taranka ee gudaha.
Mudada Caadada: bilawga caadada

Ugxaanta

Ilaa 14 maalmood kahor inta aanu bilaabin wareega xigaa, ugxaantu waxay galaan meeshooda: beedkuna waxa uu kasoo baxaa galka ugxaanta

Kadib ugxaanta, beedka waxaa loo qaadaa makaanka. Inta u dhaxaysa 4 ilaa 5 maalmood marka ugxaanta ay kasoo baxeen, beedku waxa uu yimaadaa makaanka. Makaanku waxa uu u diyaar garoobaa inuu qaabilo rimida unugyada beedka.

Dilaaca: unugyada ee dilaaca gaadhay wakhtigoodii ayaa ka baxa ugxaanta.
U qaadida beedka dilaacay makaanka

Riminta unuga beedka

Waxaad qaadi kartaa uur haddii unuga beedku ay rimiyaan unugyada biyaha taranka ninku. Tani waxa badanaa dhacdaa marka aad galmo la samayso nin. Haddii biyaha taranka ninka ka yimaadaan, unugyada biyaha taranku waxay galaan gudaha ferjiga haweeneyda. Waxaad qaadi kartaa uur haddii:

  • Hal unug oo biyaha taranka ninka ah ayaa gasho unuga beedka oo rimi kara, iyo;
  • Unuga beedka rimay uu si guul ah u galaan xuubka xabka makaanka. Waxa uu bilaabi doonaa inuu koro.

Ma yeelan doontid caadada inta aad uurka leedahay. Laakiin, haweenka qaar ayaa dhici karta inay dhiig baxaan inta ay ku jiraan bisha kowaad ee uurka.

Waxaad uur qaadi kartaa ilaa 6 maalmood oo bisha ah: unugyada beedku waxay noolaadaan 1 maalin, unugyada biyaha taranka ninkuna waxay noolaadaan ilaa 5 maalmood. Waxaad uur qaadi kartaa ilaa 5 maalmood kahor inta ugxaantu ayna soo bixin iyo maalinta ku xigta marka ay ugxaantu soo baxaan. Maalmaha ku xiga, ilaa maalmaha ka horeeya wakhtiga xiga ee ugxaantu soo baxayaan, ma qaadaysid uur.

Ninka uu biyaha taranku kaga yimaado gudaha ferjiga haweeneyda. Unugyada taranka ayaa u dabaasha unugyada beedka.
Rimista: hal unug oo biyaha taranka ninka ah ayaa gasha unuga beedka oo rimisa.
Waxa uu galaa beedka rimay xuub axalka makaanka

Caadada: uur ma jiro

Haddii beedku aanu rimin, makaanku waxa uu iska saari doonaa beedka iyo xuubka xabka. Haddii aad caado yeelato: dhiigu waxa uu kaga bixi doonaa jidhkaaga isagoo soo maraya gudaha ferjiga. Caadadu waxay socotaa 3 ilaa 7 maalmood. Wareega cusub ayaa isla markaa bilaabma.

Ka hortaga uurka

Haddii aanad doonaynin inaad caruur dhasho iminka, isticmaal uur baajiyaha.

Haddii ay dhacdo xaalad gurmad degdeg ahi: Qaado aashatada folic

Haddii aad qorshaynayso inaad uur qaado, waa inaad qaadataa fiitaamiinka aashatada folic. Waxaad ka dalban kartaa farmasiga. 
Waxaad sidoo kale qaadan kartaa aashatada folic haddii aanad isticmaalaynin uur baajiye la isku lahayn karo, xataa haddii aanad qorshaynaynin inaad uur qaado. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo