Waxaad uur qaadi kartaa ilaa lix maalmood bishii: ilaa shan maalmood kahor inta ayna ugxaantu soo bixin iyo maalin kadib maalinta ugxaantu soo baxaan. Si aad u ogaato wakhtiga aad uurka qaadi karto, waa inaad ogaato maalinta xigta ee ay ugxaantaadu soo baxayaan. Way adag tahay in taas la saadaaliyaayi.

Ugxaan soo bixidu waxay timaadaa inta u dhaxaysa 10 ilaa 14 maalmood kahor caadada xigta (bilawga caadada cusub). Wareegu sidoo kale wuu kala mudo duwanaan karaa. Ogaanshaha ugxaan soo bixidu kaliya waa la xisaabin karaa oo waa la tirinayaa markaa maaha wax la hubo.

Tusaale 1 - wareega caadiga ah 28 maalmood: ugxaantu waxay is diyaarin doonaan maalinta 14 ee wareega. Waxaad uur qaadi kartaa ilaa 5 maalmood kahor inta ayna ugxaantu soo bixin iyo maalinta ku xigta marka ay ugxaantu soo baxaan.
Tusaale 2 - wareega caadiga ah 23 maalmood: ugxaantu waxay is diyaarin doonaan maalinta 9 ee wareega. Waxaad uur qaadi kartaa ilaa 5 maalmood kahor inta ayna ugxaantu soo bixin iyo maalinta ku xigta marka ay ugxaantu soo baxaan.
Tusaale 3 - wareega caadiga ah 34 maalmood: ugxaantu waxay is diyaarin doonaan maalinta 20 ee wareega. Waxaad uur qaadi kartaa ilaa 5 maalmood kahor inta ayna ugxaantu soo bixin iyo maalinta ku xigta marka ay ugxaantu soo baxaan..

Calaamadaha ugxaan soo bixida

U fiirso calaamadaha jidhkaaga wakhtiga ay ugxaantu soo baxayaan:

  • Waxaa dhici karta inaad dheecaano dheeraad ah oo gudaha ferjiga kasoo baxa. Dheecaankaasi waxa uu u eeg yahay sida beedka oo kale cadaankiisa waanu is jiidanayaa.
  • Jidhkaagu waxoogaa ayuu kacaa.
  • Afka makaanku waxa uu ku yaalaa meel sare markaa waxoogaa way adag tahay in gudaha ferjiga haweeneyda laga dareemo. Afka makaanku waxa uu noqonayaa mid waxoogaa balaadhan oo waxa uu dareenkiisu yahay mid jilicsan.

Haweenku waxay yeeshaan waxoogaa calool xanuun ah (damqasho xaluska ah) inta ay ku jiraan mudada ugxaantu soo baxayso.

Ka hortaga uurka

Haddii aanad doonaynin inaad iminka uur qaado waa inaad xaqiijisaa inaad isticmaasho uur baajiye.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo