Galmadu waa galmo ay guska oo adagi galo gudaha ferjiga ama dabada.

Gelida gudaha ferjiga

Ninka hamoonayaa waxa kacsan dareenkiisa galmada. Gusku wuxu la bararaa dhiig iska buuxiya. Inta uu adkaado ayuu waynaadaan oo uu istaagaa.

Marka ay haweeneyda hamadeedu kacdo gudaha ferjiga wuu qoyaa. Waxa ay fududaysaa in gusku galo.

Haweeneydu kaliya waxay uursaysataa haddii:

Haddii aanad doonaynin inaad caruur dhasho iminka, isticmaal uur baajiyaha.

Raga iyo haweenka galmada samaynaya. Waxaa diirada la saaraya guska oo galaya gudaha ferjiga naagta.
Faahfaahin muujinaysa guska oo ku jira gudaha ferjiga marka laga soo eego gudaha
Faahfaahin muujinaysa guska oo ku jira gudaha ferjiga marka laga soo eego gudaha Biyaha taranka ninku waxay ka baxayaan guska waxayna galayaan makaanka.

Gelida dabada

Ninka iyo haweeneyda ama labada nin ee galmada samaynaya waxaa uu ka geli karaa guska dabada (galmada dabada).

Waxaa dhici karta inay mudo ka dheer qaadato inta gusku uu galayo dabada marka la barbardhigo gudaha ferjiga. Waa aayar si la iskaga ilaaliyo in waxyeelo ay soo gaadho muruqa dabada. Yara nasi haddii ay ku xanuunto.

Dabadu ma yeelato dheecaan gudaha ah. Waxaa muhiim ah inaad wax sida saliida ah isticmaasho marka aad galmada dabada samaynaso maadaama oo ay xanuun badan tahay.

Haweenku uur kuma qaadaan haddii ay galmo dabada ah sameeyo. Laakiin, iska ilaali in biyaha taranka ninka ay ku dhacaan gudaha ferjiga.

Sababta galmada

Waxaan galmo u samayn kartaa sababo kala gedisan, tusaale ahaan haddii aad doonayso inaad:

  • caruur dhasho (kaliya marka xubinta taranka ninku gasho gudaha ferjiga naagta);
  • waxaad u samayn kartaa galmada si aad ugu raaxaysato;
  • inaad qofka usoo bandhigto jacaylkaaga iyo dareemada kale;
  • inaad isku dhawaasho dareento;
  • nasasho…

Kala duwanaanshaha

Mar kasta oo aad galmo samayso maaha biyuhu inay kaa yimaadaan. Dad badan ayayna mar kasta biyuhu ka iman.

Waxaad galmada u samayn kartaa qaabab kala duwan: jiif, fadhi, taagni ama foorar.
Waxaajira qaabab kale oo galmo loo sameeyo, marka laga tago galmada.

Kala sheekeyso lamaanahaaga waxa aad doonayso iyo dareemadaada. Waxaad idinka oo wada jira go'aansan kartaan galmada wanaagsan.

Galmada tusaale 1: Ninku waxa uu dul jiifaa haweeneyda. Haweeneydu waxay kala haysaa lugaheeda.
Galmada tusaale 2: Haweeneydu waxay cuskatay gacmaheeda iyo jilbaheeda. Ninku wuu daba jilba joogaa haweeneyda.
Galmada tusaale 3: Ninku wuu taagan yahay. Haweeneyduna way kusoo tiirsan yahay. Ninku waxa uu kor u hayaa labadeeda lugood mid.
Galmada tusaale 4: Ninka iyo naagtu waxay u jiifaan dhinac, ninkuna waxa uu ka danbeeya haweeneyda.
Galmada tusaale 5: Haweeney dul fadhida ninka.

Iska ilaalinta xanuunada galmada ku faafa iyo HIV

Waxaad ka qaadi kartaa xanuunada galmada ku faafa iyo HIV galmada. Waxaad isticmaali kartaa koondhom si aad naftaada iyo lamaanahaaga u ilaaliso.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo