Waa maxay ka ganacsiga jidhku?

Jidhka ka ganacsigu waxay ka dhigan tahay in galmada qofku uu lacag siisto ama faa'idooyin kale. Dadka iibiya galmada ayaa sidoo kale loogu yeeshaa shaqaalaha galmada ama jidhkooda ka ganacsada.

Iibinta galmadu waa sharci Norway

Waa sharci inaad iibisaa galmada Norway, laakiin waa mamnuuc inaad iibsataayi.

Dadka iibinaya galmadu waxay xuquuq galmo oo lamid ah leeyihiin sida dadka caadiga ah. Waxay:

  • diidi karaan macmiilka;
  • diidi karaan wixii ficil galmo ah ee ayna doonaynin;
  • joojin karaan galmada haddii ay doonaan.

Waa sharci daro in la bixiyo, dhex dhexaadiyo ama la dalbado iib ama iibsasho galmo iyada oo lagu xayaysiinayo internetka, joornaalka ama majaladaha, boodhadh, iwm. Xayaysiiska iibinta iyo iibsashada galmad waxa lagu mutaystaa ganaax iyo xadhig.

Waa sharci daro in la iibsado galmo

Waa mamnuuc in Norway gudaheeda lagu iibsado galmo. Dadka haysto dhalashada Norway iyo dadka degan Norway waa sharci daro inay dalal kale ka iibsadaan galmo.

Ka ganacsiga jidhka ee qofka lagu khasbay iyo dadka lasoo tahriibinayo si looga dhigo shaqaale galmo waa ka mamnuuc Yurub oo dhan.

Waa sharci daro in lacag laga helo galmada dadka kale iibinayaan

Norway, waa sharci daro in lacag laga helo galmada dadka kale iibinayaan. Waxay ka dhigan tahay waa sharci daro in:

  • la xayaysiiyo galmada ay dadka kale iibinayaan, ama
  • inaad ka kirayso guri, xarun ama qol hudheel qof ay u qorshaysan tahay inuu halkaa ku iibiyo galmo.

Waa sharci daro in qof kale lagu khasbo inuu galmo sameeyo. Ninku xaaskiisa kuma khasbi karo inay galmo la samayso.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo