Dadka qaar waxay ku qaadaan xanuunada galmada ku faafa galmo oo kuwo kalena waxay ku qaadaan qaab kale oo loogu gudbiyo.

Ku faafida galmada

Dariiqyada xanuunada galmada ku faafa loo gudbiyo: galmo ah gudaha ferjiga bilaa kondhoom
Dariiqyada xanuunada galmada ku faafa loo gudbiyo: galmo daba ah oo bilaa kondhoom ah
Dariiqyada xanuunada galmada ku faafa loo gudbiyo: galmo afka ah oo bilaa kondhoom ah
Dariiqyada xanuunada galmada ku faafa loo gudbiyo: iyada oo la isticmaalo waxyaabaha galmada oo aan kadibna loo isticmaalin koondhom

Gudbinta siyaabo kale

  • Hooyada qabta xanuunada galmada lagu qaado waxay u gudbin kartaa caabuqa ilmaha caloosha ku jira, inta ay uurka leedahay ama marka ay dhalayso ama marka ay naaska nuujinayso.
  • Iyada oo la wadaago agabka caabuqa la socdo.
  • Adiga oo la wadaaga cadaygaaga (jooniska B) cid, tuwaalka ama go'yaasha saariirta qof kale (injir iyo isnidaamis).
Dariiqyada xanuunada galmada ku faafa loo gudbiyo: hooyada ilmaha naaska nuujinaysa
Dariiqyada xanuunada galmada ku faafa loo gudbiyo: in la wadaago irbado

Lahadalka lamaanahaaga iyo dhakhtarka

Haddii aad sidoo kale qabto xanuunada galmad lagu kala qaado waxaad qaadsiin kartaa qof kale. Isku day inaad kala hadasho lamaanahaaga macluumaadkeeda oo ku dhiiri geli inuu isagu/iyadu u tagto dhakhtarka.

Kala hadal khubarada caafiimaadka wixii talo ah. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo