Haddii aad u malaynaysoo in aad qabto xanuunada galmada ku faafaa, waxaad waysidataa dakhtar cawimaad. Xanuunada galmada ku faafaa waa in la daweeyaa si la iska ilaaliyo saamaynta xun ee ay ku yeelan karto caafimaadkaaga. La hadal dhakhtar si aad u hesho dawo aad u baahantahay . 

Raac dawayntaa intaa ay qaadatoba, iyo sida, dhakhtarku kuu sheego. Raac daawaynta xitaa marka ay calaamaduhu baaba'aan.

Waxaa jiraa noocya badan oo xanuunada galmada ku faafaa ah. Xanuunada galmada ku faafaa inta badan malaha calaamado. Iyadoo ay ku xidhan tahay nooca xanuunada galmada ku faafaa, dawayntu way kala duwan tahay.

Nin la hadlaya xirfadle caafimaad
Raac dawayntaa xanuunada galmada ku faafaa intaa ay qaadanayso oo dhan, iyo sida, dhakhtarku kuu sheego. Raac daawaynta xitaa marka ay calaamaduhu baaba'aan.

Daawaynta bakteeriyada xanuunada galmada ku faafaa

Xanuunada galmada ku faafaa oo ay keentay bakteeriya:

  • kalaamidiya;
  • Jabto iyo
  • syphilis, iyo kuwo kale.

Xanuunada galmada ku faafaa ee bakteeriyada waxaa ku lagu dawayn kara antibiotics. Daawantu waa lacag la'aan. Waxaad u baahantahay warqada dhakhtar sii aad uga hesho dawo farsamiisiga.

Inta la dawaynayo, iska ilaali galmo intaad leedahay caalamado ama isticmaal koondhom si aad u yaraysoo in aad cidle qaadsiiso.

Dawaynta loogu talagalay xanuunada galmada ku faafaa

Xanuunada galmada ku faafaa ay keentay fayras:

Xanuunada galmada ku faafaa qaarkood lama dawayn karo, laakiin calaamadaha waa la dawayn karaa.

  • Jooniska B: Inta badan wuu iska tagaa kaligii. Waxaa kula socon doonaa dhakhtar
  • Herbis: Haddii loo baahdo, dhakhtarka ayaa ku qori dawooyin lagu daweeyo boogaha.
  • Xanuunka xubnaha taranka: Dhaktar ayaa ku qoraya dawooyin lagu dhayo boogaha. Haddii ay muhiim tahay, dhakhtarka ayaa saaraya boogaha isaga oo goynaya ama qalajinayaa. 

Dhaawayn parasitic ee xanuunada galmada ku faafaa

Xanuunada galmada ku faafaa ee ay keento parasite:

Isnadaamiska:

  • Dhakhtaarkaa kuu qori kara kiriim aad marisid jidhka.
  • Ku maydh kalsoonka, dharkaaga, bijaamaha, dharka sariirta iyo tuwaalka biyo kuluul (ugu yaraan 60°C) maalinkasta.

Infekshanka tiriikomonaas:

  • Waxaa lagu dawayn karaa antibiotics.
  • Waxaad u baahantahay warqada dhakhtar sii aad uga hesho dawo farmasiga.

Injirta timaha hoose:

  • Dhakhtarka ayaa kuu qori kara kiriim aad marisid jidhka meesha ay ku jirto injirtu.
  • Ku maydh kalsoonka, dharkaaga, bijaamaha, dharka sariirta iyo tuwaalka biyo kuluul (ugu yaraan 60°C) maalinkasta. 

Lahadalka lamaanahaaga

Haddii aad leedahay xanuunada galmada ku faafaa, isku day inaad kala hadasho lamaanahaaga. Haddii aad leedahay xanuunada galmada ku faafaa qaar, lamanaahagu waaxa uu baahan yahay in la baadhooo la daaweeyo.

Ha samayn galmo xiliga dawooyinka aad isticmaalayso ama koondhom isticmaal si aad u yarayso khatar in aad qaadsiiso lamaanahaaga.

Waydi dhakhtar talo.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo