Isticmaalka koondhom

Waxaad hoos u dhigi kartaa khatarta badanaa xanuunada galmada ku faafa:

  • Isticmaal koondhon marka aad galmada ka samaynayso gudaha ferjiga ama dabada.
  • Isticmaal kondhom marka aad qalabka galmada cid la wadaagayso (tusaale ahaan: dildo ama vibrator).
  • Badal kondhomka mar kasta oo aad lamaanaha badalayso haddii aad dad badan galmo la samaynayso.
  • Iska ilaali in afka ay kuu galaan dhiig ama biyaha taranku marka aad galmo afka ah samaynayso; markaa waxaa aad ku yaraanaysa khatarta inaad HIV qaado. Inaad u isticmaasho koondhom galmada afku waxay hoos u dhigtaa khatarta inaad qaado xanuunada galmada ku faafa.

Isticmaal koondhom si aad naftaada iyo lamaanahaaga uga ilaaliso xanuunada galmada ku faafa iyo hiv-ga. Haddii adiga ama lamaanahaagu aynaad doonin inaad isticmaashaan koondhom, kala hadal xirfadlahaaga caafimaadka  wixii ku saabsan shaybaadhka xanuunada galmada ku faafa ama HIV kahor inta aanad galmo bilaa koondhom ah samaynin.

Qaabab kale oo aad isku ilaalinaysid

  • In la qaado talaalka jooniska B iyo HPV. Waydii dhakhtarkaaga ama khabiir kale ee caafimaad. 
  • Kaliya isticmaal agabka aad kaligaa isticmaasho ee irbadaha ah, ama agabka cusub haddii aad isku mudo dawooyin
  • Haddii aad uur leedahay oo aad qabto xanuunada galmada ku faafa, dhakhtarkaaga waydii wixii talo ah.
  • Isticmaalka cadaygaaga (jooniska B), tuwaalka iyo go'yaasha sariirta (isnidaamis iyo injir).
In la qaado talaalka jooniska B iyo HPV.
Kaliya isticmaal agabka aad kaligaa isticmaasho ee irbadaha ah, ama agab cusub.
Haddii aad uur leedahay oo aad qabto xanuunada galmada ku faafa, dhakhtarkaaga waydii wixii talo ah.

Inaad kala hadasho daryeelka caafimaad bixiyaha iyo lamaanahaaga

Haddii aad sidoo kale qabto xanuunada galmad lagu kala qaado waxaad qaadsiin kartaa qof kale. Kala hadal lamaanahaaga macluumaadka oo ku dhiiri geli inuu isagu/iyadu inay isbaadho. 

Kala hadal khubarada caafiimaadka wixii talo ah.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo