Badanaa xanuunada galmada ku faafaa ma laha calaamado cad. Mar kasta ma arki doontid haddii aad qabtid xanuunada galmada ku faafa. U tag dhakhtarkaaga haddii aad u aragto inaad qabto xanuunada galmada ku faafa. Isaga/iyada ayaa shaybaadhka samayn doonta.

Calaamado

Haddii aad qabtid mid kamid ah calaamadaha soo socda waxaa dhici karta inaad qabtid xanuunada galmada ku faafa

  • dheecaanka kasoo baxa makaanka, gudaha ferjiga ama dabada (huruud, akhtar u eeg, buni ah uraya ama dhiig leh). Badanaa wixii dheecaanada ee kasoo baxa gudaha ferjiga waa iska caadi. Haddii dareeraha kasoo baxaa uu ur aad u xoogan leeyahay ama midabkiisu uu badalan yahay, waxay noqon kartaa calaamad xanuunka galmada ku faafa ah;
  • maqaarka oo isbadala; nabur, boog, barar ama finan oo ah dusha/gudaha/agagaarka guska, gudaha ferjiga naagta, dabada ama afka/cunaha;
  • xanuun iyo/ama olol dareen ah marka aad suuliga gasho;
  • cuncun guska, gudaha ferjiga naagta, dabada ama timaha hoose;
  • dhiigid ama calool xanuun marka galmada la samaynayo (xubnaha taranku isku jiraan);
  • xanuun hal xiniin ama labada xiniinyoodba ah (raga);
  • dhiig saxarada la socda;
  • adkaanshaha qaadida uurka (rimida).

Caabuq gudaha ferjiga haweeneyda ah

Haweenka ayaa sidoo kale yeelan kara wax kamid ah calaamadahan (dareere gudaha ferjiga, cuncun, olol marka ay kaajayso) taas oo ayna keenin xanuunada galmadu ku faafaan. Waxaa loo yaqaan caabuq gudaha ferjiga haweeneyda ah waxaana keeni kara caabuq fangus (candida) ama baakteeriya xubinta taranka ah. 

waydii qofka xirfadle caafimaad eh  talo.

Daawaynta xanuunada galmada ku faafa

Calaamadaha xanuunada galmada ku faafaa waay baabi'i karaan intaad wali qabto xanuunada galmada ku faafaa. Waxaad wali u baahantahay daawanyn. Xanuunada galmada ku faafa ee aan la dawaynwaxay sii kordhinayaan khatarta caafimaadka ah. Xanuunada galmada ku faafa badan waa ladawayn kara ama caalamadoohaaga waa la dawayn kara.

Ka dalbo xirfadle caafimaad talo.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo