Haweenka qaar ayaa uur u qaada si dhakhso ah; qaar kalena mudo dheer ayay wadaan. Waxay kugu qaadan kartaa 1 sano inaad uur qaadaayi. Tani waa mid iska caadi ah.

Haddii ay mudo dheer qaadato, adiga iyo lamaanahaaga waxaa dhici karta in rimistiinu yar tahay oo aanu lahayn unugyo biyihiisa taranka ah oo badan

Qaab nololeedka aan caafimaadka qabin iyo da'da

Xaalado badan ayaa saamayn ku yeelan kara rimista adiga iyo lamaanahaaga. Tusaale ahaan:

U noolow qaab caafimaad qabta: isku day inaad cunto cunto caafimaad qabta oo aad jimicsi samayso.

Rimidu inta aad nooshahay way is badashaa. Wixii ka sareeya da'da 35, haweenka rimidoodu aad ayay hoos ugu dhacdaa. Inta u dhaxaysa da'da 45 ilaa 55, haweenku waxay joojiyaan caadada oo wixii intaa ka danbaysa caruur ma dhali karaan. Waxaana loo yaqaanaa joogsiga caadada.

Maxaad samaynaysaa marka aanad rimi karin?

U tag dhakhtarka si aad u ogaato sababta aanad uur u qaadaynin (rimis la'aan). Haddii ay daruuri noqoto xirfadle guud ayaa kusiin kara talooyinka daawaynta ama waxa uu kuu gudbin karaa khabiir si laguugu sameeyo shaybaadh iyo daawayn uur qaadid ah. Waxaa jira ikhtiyaaro kala duwan: 

  • daawayn dawo;
  • taknoolojiyada lagugu kaalmaynayo rimista;
  • qaliin.

Waxaad sidoo kale dalban kartaa inaad koriso ilmo ku dhashay Norway ama ogolaansho korin ilmo dal kale laga keeney. Waxaa sharci u ah, in ilmaha laga keenayo dal kale uu soo maraa hay'ad la aqoonsan yahay oo caruurta la korsado bixisa. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo