Qaybta muuqata ee xubnaha taranka ee haweenka waxaa loo yaqaanaa bannaanka ferjiga.

Waxaa kamid ah:

Haweeney dhabarka u jiifta oo lugaha kala qabatay. Waxa diirada la saaraa waa qaybta xubnaha taranka ee muuqda.
Haweeneyda qaybta xubnaheeda taranka ee muuqataa waa: 1. dabnaha sare, 2. dabnaha gudaha, 3. afka gudaha ferjiga, 4.kintirka. Afka tuunbada kaadida (5) iyo dabada (6) ka mid maha xubnaha taranka.

Afka tuunbada kaadida iyo dabadu kama mid ah xubnaha taranka.

Bannaanka ferjiyada haweenku way kala muuqaal duwan yihiin. Muuqaalka dabnuhu muhiim uma aha shaqadooda.

Noocyada bannaanka ferjiga: tusaale 1
Noocyada bannaanka ferjiga: tusaale 2
Noocyada bannaanka ferjiga: tusaale 3

Dabnaha iyo afka gudaha ferjiga

Dabnuhu waa maqaar sida dabnaha oo kale ah. Waxay ilaaliyaan gudaha ferjiga, kintirka iyo afka tuunbada kaadida.

Haweenka waxa ay leeyihiin laba dabnood oo min laba-laba ah:

  • Dabnaha sare: Waxaa badanaa qariya timo waxayna ka balaadhan yihiin dabnaha gudaha.
  • Dabnaha gudaha: Caadiyan timo ma qariyaan waxayna ka dhuudhuuban yihiin dabnaha dibada. Waxaa dhici karta inay ka waawaynaadaan ama ka yaryaraadaan dabnaha sare.

Haweenka qaar waxay leeyihiin dabno gudaha ah kuwaas oo ka dhaadheer dabnaha banaanka. Haweenka kalena waxaa gebi ahaanba qariya dabnaha gudaha dabnaha banaanka. Sida ay u eeg yihiin shaqada ay qabanayaan muhiim uma aha.

Afka gudaha ferjiga waxay u dhaxaysaa dabnaha gudaha.

Kintirka

Kintirku waa xubin aad u xasaasi ah oo ku taala dusha meesha laga kaajo. Kintirku waxa uu ku yaalaa meesha ay iskaga yimaadaan ee sare dabnaha guduhu.

Inta muuqda waa kintirka waxaanu waxa uu le'eg leegyahay ilaa xabad digir ah. Mararka qaar qaybta muuqataa waxaa dhici karta inay yaraato ama waynaato. Kintirku waxa uu leeyahay laba dhinac oo dhaadheer oo dhereran ilaa jidhka gudihiisa: corpus cavernosum. Qaybtani waa laba qaybood ee ugu waawayn kintirka. Waxay ku yaalaan maqaarka hoostiisa lamana arki karo. Labada qaybood waxay dhereran yihiin ilaa dabnaha sare.

Kintirka waa unug muhiim u ah rabitaanka galmada haweeneyda. Taabashada ama salaaxa kintirku badanaa waxay keentaa in dareenku kaco iyo macaansi galmada ah oo haween badan ah, waxayna keeneysaa in uu qofka biyuhu ka yimaadaan. 

Dalal kamid ah Afrika iyo Aasiya kintirka hablaha iyo haweenka waa laga jaraa. Taasi waxa loo yaqaanaa naafaynta xubinka taranka ee haweenka. Naafaynta xubinka taranka ee haweenku waa ka mamnuuc Norway iyo Yurub.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo