Xubnaha taranka ku jira gudaha jidhka haweeneydu (xubnaha taranka ee gudaha) waa:

Haweeneyda taagan. Waxa diirada la saaraa waa qaybta xubnaha taranka ee gudaha.
Qaybta xubnaha taranka ee haweenka ee gudaha ku jirtaa waa: 1. gudaha ferjiga, 2. afka ilmo galeenka, 3. makaanka, 4.  tuunbooyin ugxaan-side ah, 5. ugxaanta.

Gudaha ferjiga

Gudaha ferjigu waa meel godan oo leh dalool xiga banaanka. Meeshan godan waxay gaadhaysa ilaa afka ilmagaleenka. Gudaha ferjigu wuxu godanyahay qiyaastii 10 sentimeetir.

Gudaha ferjiga wuxu leedahay gidaar kala jiidma oo isku xidhma. Gidaarku wuxuu noqon karaa mid adag (kaas oo afka xidhi kara) ama jilicsan.

Inta lagu jiro wakhtiga caadada haweeneydu waxay ka dhiigtaa gudaha ferjiga.

Bikirku waxa uu ku yaalaa afka gudaha ferjiga. Waa unug jilicsan.

Marka galmada la samaynayo gusku waxa u galaa gudaha ferjiga haweeneyda (gelid).

Caruurtu waxay ka dhashaan oo ay kasoo baxaan gudaha ferjiga.

Makaanka

Makaanku waxa uu u eeg yahay khayaar foorara. Qaybta dhuuban ee khayaarku waa afka ilmo galeenka.

Makaanku waxa uu la koraa ilmaha inta uurka la leeyahay. Marka ay haweeneydu umusho, wuu yaraadaa mar kale.

Afka ilmagaleenka

Afka ilmo galeenku waxa uu qayb ka yahay makaanka kaas oo ku soo arooraya gudaha ferjiga.

Tuunbada afka ilmo galeenka bilawga caadiyan way xidhan tahay. Waxay furantaa wakhtiga dhalmada markaa oo uu ilmuhu ka soo riixayo afka ilmo galeenka gudaha.

Tuunbooyin ugxaan-side ah

Haweenku waxay leeyihiin laba tuunbooyin oo ugxaan-side ah ah kuwaas oo celcelis ahaan 10 ilaa 15 sentimeetir ah, kaas oo midba dhinac kaga yaalo makaanka.

Tuunbooyinka ugxaan-sidayaashu waxa ay qaadaan unuga beedka oo ay ka qaadaan ugxaanta waxayna geeyaan makaanka.

Ugxaanta

Ugxaanta ayaa haya beedka haweeneyda. Haweeneydu marka ay dhalato waxay sidataa dhamaan beedkeeda.

Ugxaantu meesha ay ku jiraan waxay le'eg tahay xabad istaroobari ah.

Ugxaantu waxay soo saaraan hormoonada dhediga.

Haweeneyda qaan gaadhay, unug beedkeedu waxa uu ay soo baxaan hal mar bishii ugxaanta dhaxdooda. Haddii aan la dilaacin unuga beedka, celcelis ahaan 14 ilaa 16 maalmood kadib ayay bilaabantaa caadadu. Laakiin, waxaa sidoo kale macquul ah in wax ka badan hal unug oo beed ah ay soo baxaan bishii.

Hormoonadu waxay sidoo kale saameeyaan maqaarka, cufka lafta iyo jawiga qofka. Waxay u sheegeen jidhka sida uu ugu diyaar garoobayo uurka.

Marka ay haweeneydu waynaato, jidhkeedu waxa uu soo saaraa hormoono yar oo dhedig. Waxaana loo yaqaanaa joogsiga caadada (menopause). Haween badan waxaa dhici karta inay murugoodaan, oo bisha xigta, ay farxaan (jawigoodu isbad badalo). Waxaa sidoo kale dhici karta inay dareemaan kulayl oo ay dhididaan (hilibka oo kululaada).

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo