Marka aad hinaase xidhiidhka ah qabto, waxay u badan tahay inaad ka baqanayso inaad waydo lamaanahaaga ama wakhtigii uu kusiin jiray. Waxaad dareemeysaa inayna xooganayn xidhiidhku. 

Lamaanahaaga ayaa sidoo kale dareemi kara xinaase.

Dareenka hinaasuhu waa iska caadi. Haddii uu hinaasuhu uu sii xoogaysto, waxa uu ku noqon karaa mushkilad adiga ama lamaanahaaga. Adiga iyo lamaanahaaga toona maaha inaad hinaastaan si aad u cadaysaan inaad is jeceshihiin. 

Haddii adiga ama lamaanahaagu aad uga jawaabtaan qaab hinaase ah, isku day inaad fahantaan waxa keeney hinaasaha. Kala hadal lamaanahaaga saamaynta hinaasaha ee labadiinaba idinku leedahay iyo waxa aad ka filan karto iyo xadidaada.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo