Qof kasta waxaa uu jeclaan karaa qof aan lamaanihiisa ahayn. 

Waxaad qofkaas u jeclaan kartaa sababo badan. Tusaale ahaan:

  • waxaad ka heli kartaa muuqaalkiisa;
  • waxaad ka heli kartaa habdhaqameedyada qaar ee qofka;
  • waxaad ku qabtaa mushkilad xidhiidhkaaga iminka
  • waxaad u xiistay dareenkii marka uu jacaylku ku hayo.

Dareemadaasi way iska tagaan, laakiin mudo ayay qaataan. Adiga ayay ku jirtaa inaad go'aansato waxa aad doonayso.

Haddii aad doonayso inaad sii wadato xidhiidhka, go'aanso haddii aad doonayso inaad u sheegto lamaanahaaga iyo haddii kale. U sheegida lamaanahaaga waxa u yeelan karaan calaamado adag oo ah inaad dooratay xidhiidhkaaga iyo lamaanahaaga halka aad qof kale ka dooranayso. Waxaa sidoo kale waxyeeli kartaa dareenka lamaanahaaga, waxayna horseedi kartaa khakhal ama inay murgiso xidhiidhka. Haddii ay aad u adkaato inaad kala hadasho lamaanahaaga, waxaad xaalada kala hadli kartaa qof aad ku kalsoon tahay. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo