Kadib mudo marka aad dareen adag dareemeysay oo aad wax jeclayd, waxaa iska caadi ah inaanad sidii hore u dareemin wixii aad dareemeysay. Waxaad si wanaagsan isku baran kartaa lamaanahaaga oo waxaad la qabsanaysaa xidhiidhka. Markaa in la wada joogaa waxay noqonaysaa markaa hawl maalmeed caadi ah.

Dadka qaar, hawl maalmeedku waxay noqonaysaa mushkilad, dadka kalena waxay noqonaysaa in ay helaan dejin iyo dareen xaqiijin ah. In si wanaagsan la isku yaqaan iyo in la isla qabsado waxay sidoo kale ku dareensiinaysaa deganaansho iyo adkaansho xidhiidhka ah.

Haddii aad u aragto in xidhiidhku mushkilad noqday, waydii naftaada:

Haddii uu lamaanahaagu og yahay in aad doonayso inaad wax badasho, waxaad isku dayi kartaa inaad xalka wada heshaan. Waxay ka dhigi kartaa xidhiidhkaaga mid aad u kacsan. Midba ka kale wakhti ha siiyo oo isku day inaad hawlo cusub wada samaysaan. Tusaale ahaan: inaad guriga ka wada baxdaan haddii aad badanaa guriga joogtaan; inaad isku daydaan qaab cusub haddii aad u aragtaan in noloshiina galmo ay noqotay mid caajis ah. Waxay noqon kartaa mid farxad iyo madaalo leh.

Inaad badashaan hawl maalmeedka kama dhigna inaad xidhiidhkiina meesha ka saartaan, ama inaad farxad xidhiidhka ka baxsan aad raadsataan. Naftaada waydii waxa aad doonayso. 

Inaad waalid noqotaan waxay badalaysaa xidhiidhka aad lamaanahaaga aad la leedahay. Qofba qofka kale wakhti hasiiyo.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo