Sharciga is furniinka Norway

Guurka waxaa si rasmi ah loogu soo afmeeraa kala tag ama is furid. Labada ruux ee is qabaa, ninka ama naagta, ayaa dalban karaan kala tag ama is furid. Norway, waa inaad dalbataa kala maqnaasho aan is furis sharci ah oo aad ka dalbataa Badhasaabka Gudoomiyaha Degmada Gobolka ("Fylkesmannen")

Kala maqnaanshaha ama is furida sharciga ah waa la ogol yahay xataa haddii mid kamid ah labada lamaane aanu ogolaanin. Marka aad dalbanayso kala maqnaansho ama is furid, maaha khasab inaad sheegto sababta aad u kala tagaysaan.

Si laguugu ansixiyo arjiga is furida, lamaanuhu waa inay si sharci ah ku kala tagaan mudo ugu yaraan hal sano ah, ama waa inayna wada noolayn ugu yaraan labadii sano ee lasoo dhaafay. Hal shay oo laga soo reebo ayaa ah haddii aad dhibane u tahay tacadi iyo/ama gacan qaad, ama haddii qofka aad is qabtaan uu sidoo kale leeyahay xaas kale. Markaa waxaad ka dalban kartaa maxkamada degmada deegaanka inay idin kala furto. 

Haddii lamaanaha is qabaa ay leeyihiin caruur kayar 16 jir, oo ay hore dacwad ugu kulmeen si sharci ah ayay u kala tagi karaan ama isku furi karaan. Dacwadu waxay ka dhigan tahay in lamaanuhu ay ku kulmaan si ay uga doodaan wixii ku saabsan masuuliyada ilmaha, halka uu ilmuhu ku noolaanayo iyo wixii kale ee ilmaha u muhiim ah. Dacwada waxaa lagu qabtaa xafiiska adeegyada talinta qoyska deegaanka. Adeegyadu waa bilaash.

Lacag kuma bixinaysid dalbashada is furida ee xafiiska Badhasaabka Gudoomiyaha DegmadaGobolka. 

Taageerada Dhaqaale

Kadib is furida, qof kasta oo kamid ah lamaanuhu waxa uu ka masuul yahay naftiisa markale. Xaaladaha qaar, adiga ama lamaanahaaga waxaa macquul ah inay ku waajib noqoto inuu dhaqaale ahaan sii wado taageerada lamaanaha ay hore isku qabi jireen. Haddii aad u baahan tahay macluumaadka dheeraad ah, waxaad la xidhiidhi kartaa Nav ama looyar. Waxaad sidoo kale la xidhiidhi kartaaadeega latalinta.

Sharci guud ahaan, haddii adiga iyo lamaanahaagii hore haddii aad leedihiin caruur kayar 18 sano jir, oo mid aanu la noolayn caruurta, waalidka aan la noolayn ilmuhu waa inuu siiyaa lacag waalidka uu ilmuhu la nool yahay. Tani waxaa loo yaqaan biilka ilmaha. 

Marka waalidku ay ku kulmaan dacwada kahor inta ayna dalban kala tag ama is furid, waa inay isku dayaan inay heshiis gaadhaan ku saabsan cida caruurta haynaysa (ilmuhu uu la noolaanayo ee ka masuul ah), iyo halka ay tahay caruur inay ku noolaato iyo wakhti waalid kasta loo ogol yahay inuu la qaato caruurta. Haddii ay waalidku ku heshiin waayaan, maxkamada ayaa u go'aaminaysa. 

Waxaa dhici karta inay kharash badato haddii kiiska maxkamada la geeyo. Haddii dakhligaaga sanadkii uu ka yar yahay xadi, dawlada ayaa qayb kamid ah kaa bixinaysa khatarka looyarka. Waxaa loo yaqaanaa kaalmada sharciga. Waa inaad dalbataa in kharashkaas lagaa bixiyo. Arjiga waa in loo diyaar xafiiska Badhasaabka Degmada. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo