Xubnaha taranka ee ragga ee gudaha jidhku (xubnaha taranka ee gudaha) waa:

Ninku waxa uu sidoo kale ku leeyahay murqo hoosta miskagaha qaybta hoose ee xaluskiisa. Ma aha xubno taran laakiin waxay u wanaagsan yihiin badqabka galmada iyo raaxada galmada ninka

Nin taagan. Waxa diirada la saaraa waa qaybta xubnaha taranka ee gudaha.
Xubnaha taranka ee ragga ee ku jira guduhu waa: 1. xiniiinyo, 2. qanjidh xiniin (epididymides), 3. tuunbada biyaha taranka, 4. borostaatada, 5. xididada biyaha taranka.

Xiniinyaha

Ninku waxa uu leeyahay 2 xiniinyood: mid kamid ah ayaa waxoogaa ka yar ta kale waxayna kasoo laalaadaa meel inyar ka hooseysa.

Xiniinyuhu waxay ku jiraan kiishka xiniinyada.
Waxay soo saaraan malaayiin unugyo

Qanjidh xiniin (epididymides),

Ninku waxa uu leeyahay 2 qanjidh xiniin (epididymides),.
Taas oo mid kastaaba ku xidhan yihiiin hal xiniin ah.

Qanjidh xiniinka waxa ku urura oo ku kora,unugyadaa biyaha taranka.

Tuunbada biyaha taranka

Ninku waxa uu leeyahay 2 tuunbo oo biyaha taranka ah.
Mid kasta waxaa ku xidhan hal epididymis.

Unugyada biyaha taranka ayey u gudbiyaan borostaatada.

Borostaatada

Borostaatadu waxay ku jiraa kaadi haysta hoosteeda. Waxa uu le'eg yahay xabad istaroobari ah.

Dheecaan ayey ku dartaa unugyada biyaha taranka ee ku jira borostaatada

Xididada biyaha taranka

Ninku waxa uu leeyahay 2 xidid oo biyaha taranka ah. Waxay ku xigaan borostaatada.

Waxay ku daraan dheecaan dheeraad ah unuyada biyaha taranka. Dheecaanka biyaha taranka iyo unugyada biyaha taranka ayaa marka la isku daro noqda biyaha taranka.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo