Murqaha hoose ee misguhu waa murqaha ku yaala qaybta hoose ee xaluska bilaa aadanka. 

Waxa ay murqaha hoose ee misguhu qofka ka caawiyaan in uu kor u istaago. Waxay wada shaqeeyaan murqaha caloosha, dhabarka iyo neefsigu. Xajiyaha kaadi haystu, mindhicirka (haweenka iyo raga) iyo makaanka (haweenka) waxay ku yaalaan meeshii saxda ahayd, waxayna taageeradan makaanka iyo ilmaha marka ay haweeneydu uur leedahay, kuwaas oo gacan ka gaysta nidaamka umusha iyada oo jilca, oo ka hor tada in kaadidu iyo saxaradu inay soo raacaan dheecaanka kasoo baxaya jidhka (rad iyo haween), waxayna kaalin wayn ka ciyaaraan raaxada galmada iyo badqabka galmada (haween iyo rag). Murqaha hoose ee misguhu waxay ku shaqeeyaan si aan ikhtiyaarkood ahayn iyo inaka oo aan ka fikiraynin iyadaga. Sidoo kale waa la barcin karaa oo waa la xoojin karaa. Taasi waxay ku sugaysaa inay kala bixi karaan oo ay jilcaan.

Haweenka

Inta ay uurka leeyihiin murqaha hoose ee misguhu waxay meeshooda ku hayaan ilmaha iyo makaanka. Wakhtiga dhalmada murqaha misgaha hoose aad ayay u kala baxaan. Waxay caawiyaan ilmaha wakhtiga dhalmada. Dhalmada kadib murguhu waa in la barciyaa si ay u adkaadaan oo ay u jilcaan mar kale. Umulisada ama dhakhtarka ayaa kaala talin kara oo tilmaamo kusiin kara.

Haddii aad si joogto ah u nasto oo aad hadana oo aad adkayso murqahaaga misgaha hoose inta aad samaynayso galmada, waxaad kordhin kartaa raaxada galmadaada. Lamaanahaagu waxa uu dareemi doonaa raaxo kasii badan.

Mararka qaar murqaha misgaha hoose waxay noqon karaan kuwa adag inta lagu jiro ama kahor galmada taas oo keeneysa in gudaha ferjiga haweeneydu aad u ururo. Markaa way xanuun badaanaysaa marka uu gusku isku daydo inuu galo gudaha ferjiga haweeneyda, haddii ayna suurgalba noqon waayinba. Haddii aad taas isku aragto, isku day inaad ogaato waxa keeney sababta murquhu iskugu uruureen. Inaad kala hasho lamaanahaaga ayaa wax kuu tari karta. Waxaad kala tashan kartaa dhakhtarkaaga haweenka.

Haweeneyda taagan. Waxaa diirada la saari doonaa misgaha oo laga eegi doonaa gudaha.
Sharaxaada misgaha haweenka: 1. taageerada murqaha hoose ee misgaha 2. kaadi hays, 3. xaluska iyo 4. makaanka.

Raga

Murqaha misgaha hoose waxay ka caawiyaan raga inay hamadoodu kacdo oo ayna dejin. 

Nin taagan. Waxaa diirada la saari doonaa misgaha oo laga eegi doonaa gudaha.
Sharaxaada misgaha raga: 1. taageeda murqaha miskaha ee hoose 2. kaadi hays iyo 3. caloosha.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo