Naafaynta xubinka taranka ee haweenku waa ka mamnuuc Noorway Naafaynta xubinka taranka ee haweenku waa shay sidoo kale loo yaqaan jarida xubnaha taranka ee haweenka ama gudiinka haweenka.

Waa mamnuuc: 

  • in la jaro naafeeyo xubinta taranka (xubinta taranka) hablaha ama haweenka;
  • inaad daawato ama aad soo bandhigto xubinta taranka hablaha ama haweenka oo la jarayonaafaynayo;
  • in lagu khasbo ama lagu qanciyo hablo ama haween inay in lagu sameeyo maraan naafaynta xubinka taranka haweenkagudniinka fircooniga ah;
  • in aad ogolaato in xalaalayn naafayn lagu sameeyo hablaha ama haweenka;
  • inaad hablaha ama haweenka u dirto dalka dibadiisa si loogu soo sameeyo naafaynta xubinka taranka ee haweenka.

Dadka ku kaca waxaa lagu ciqaabi karaa xadhig. Dadka ku kaca waa la ciqaabayaa xataa haddii hablaha ama haweenka lagu sameeyay ay ogolaayeen in lagu sameeyo naafaynta xubinka taranka ee haweenka .. Hablaha iyo haweenku ee lagu sameeyay naafaynta xubinka taranka ee haweenka iyaga lama ciqaabo.

Haddii uu ku saameeyay naafaynta xubinka taranka ee haweenka ama aad ka baqanayso inay dadku kugu khasbaan, waxaad la xidhiidhaa adeega latalinta ama toos ugu tag bilayska. Waxaad sidoo kale la xidhiidhi kartaa adeega latalinta ama bilayska haddii aad garanayso qof lagu samaynayo naafaynta xubinka taranka ee haweenka ama hore loogu sameeyay.

Masuuliyada kahor taga

Haddii aad ka shaqayso:

  • xarun daryeelka caruurt ah
  • adeega samofalka caruurta
  • adeega bulshada
  • adeega caafimaadka iyo daryeelka
  • dugsiyada
  • adeega waxbarashada kahor iyo kadib
  • bulshooyinka diinta

waxaa ku saaran masuuliyada ah inaad kahor tagto naafaynta xubinka taranka ee haweenku inaanu dhicin adiga oo bilayska gaadhsiiyana. Haddii aanad kahor tagin naafaynta xubinka taranka haweenku gudniinka fircooniga ah waxaa aad ku mutaysan kartaa xadhig ama ganaax.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo