Muuqaalada galmadu waxay ku muujiyaan habdhaqanka galmada sawiro, filimaan, sawir gacmeedyo ama qoraal. Dadku waxay u adeegsan karaan muuqaalada galmada si ay dareenkooda galmada u kiciyaan. Waxaa diirada la saarayaa galmada. Dareen badanaa lama muujiyo.

Muuqaalada galmadu si yar oo fudud ayay dad badani u heli karaan dhawaanahan - tusaale ahaan internetka. Waa iska caadi inaad ka hesho oo aad isticmaasho muuqaalada galmada ilaa inta ayna sharci daro ahayn. Dadka qaar ayaa ka hela muuqaalada galmada, kuwa kalena kama helaan.

Muuqaalada galmada iyo galmadu waa dhab

Waxyaabaha ku jira muuqaalada galmada aad ayay u kala duwan yihiin. Waxay ku kala duwan yihiin rabitaanka galmada.

galmada lagu muujiyo muuqaalada galmadu, badanaa runta way ka duwan yihiin. Tusaale ahaan:

  • Qaybaha jidhka: muuqaalada galmadu waxay muujiyaan qaab jidhadhka oo aan caadi ahayn. Haweenka, tusaale ahaan, badanaa waxay leeyihiin naaso waawayn, raguna waxay leeyihiin gus aad u wayn. Laakiin, dadka leh jidh qaab kale ah waa lagu tusaa.
  • Nidaamka galmada: Muuqaalada galmadu waxay muujiyaan nidaam galmo oo lamaane yar ay doonaan inay isku dayaan.
  • Habdhaqanka galmada: muuqaalada galmadu waxay bixiyaan aragtida ah in haweenka iyo ragu ay dooni karaan oo ay samayn karaan galmo wakhti kasta, taasoo, oo runtii, aanay ahayn nolosha caadiga ahi.

Runtu aad ayay uga duwan tahay sida ka muuqata muuqaalada galmada. Marka aad galmo samaynayso, waxaad adiga iyo lamaanahaagu wada ogaan kartaan waxa aad doonaysaan.

Muuqaalada galmada ee badan

Daawashada muuqaalada galmada oo badani waxay noqon karaan mushkilad. Tusaale ahaan, haddii aad in badan daawato muuqaalada galmada oo aad isku aragto inuu maamulkii kaa lumay oo aad la xanuunsatay. Haddii ay taasi dhacdo, waxaad dalban kartaa talo adiga oo u tagaya daryeelka caafimaad bixiyaha guud ama xarumaha caafimaadka ee shacabka iyo adeegyada caafimaadka dugsiga.

Muuqaalada galmada iyo sharciga

Norway guud ahaan waa la ogol yahay in la sameeyo, qaybiyo oo la daawado muuqaalada galmada. Muuqaalada galmada ee waxyeelada leh ama sharafta meel kaga dhacaya qofka, tusaale ahaan kuwa ku lug leh maydka, xayawaan, dagaal ama halistu waa mamnuuc. Waa sharci daro in lasoo saaro, la qaybiyo ama la daawado sawirada iyo fiidyawyada galmada caruurta ka yar 18 sano jirka (muuqaalada galmada caruurta).

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo