Wakhitga galmada raga iyo haweenku waxay ka kulmaan heerar kala duwan oo hamo ah. Qaar ayaa yeesha sadex waji oo habo ah oo kala gedisan. Wajiyadani waxay sidoo kale ku kala duwan yihiin mudada iyo inta ay le'eg yihiin mar kasta. Wajiyadu waxay kala yihiin:

Rabitaan

Inaad yeelato rabitaanka galmadu waa inaan doonto inaad galmo samayso, adiga oo lagu taataabanayo oo taataabanaya lamaanahagaa ama naftaada.

Hamo

Waxay hamadaadu ku kacaysaa adiga oo lamaanahaaga taabanaya ama adiga oo naftaada taabanaya. Jidhkaaga / lamaanahaagaa jidhkiisa waxa uu uga jawaabayaa hamada galmada:

  • Gudaha ferjigu wuu qoyaa (haweenka).
  • Dabnuhu afka ayay kala qaadaan (haweenka).
  • Qaybta uu ku fadhiyo kintirku waxa ka buuxsama dhiig, kintirku wuu waynaadaa, waxa uu u kacaa kor waxaanu noqdaa mid aad u xasaasi ah (haweenka).
  • Ibaha naasaha ayaa adkaada (haweenka).
  • Guska waxaa ka buuxsama dhiig, guskuna wuu adkaadaa, waynaataa kor ayaanay u kacdaa: taasi waxaa loo yaqaan hamood (raga).
  • Dareere ayaa ka dhib dhibci kara guska (raga).
  • Garaaca wadnaha ayaa kordha (rag iyo haween).

Waxa ay u yeelan doonaa dareen galmo lamaanahooda ama niyada ayay ka sawiran doonaan galmo.

Waxaa kordhaysa hamadaada. Waxay u kordhaysaa aad, waxaanad dareemeysaa raaxo.

Biyo dhac

Biyo dhacu waxa uu jidhka kasoo saaraa tamarta galmada:

  • Murqadaha misgaha hoose ayaa soo urura oo adkaada.
  • Ragu caadiyan waxa ay biyuhu ka yimaadaan marka uu biyo dhaco. Biyaha taranka ayaa kasoo daata guska.
  • Haweenka qaar, dareere yar ayaa kasoo dareera gudaha ferjiga marka ay biyo dhacaan. Waxay lamid tahay biyo dhaca raga.

Nasasho

Marka uu qofku biyo dhaco, waxaa si yar meesha uga baxda hamadii kacsanayd oo jidhku mar kale ayuu dagaa. Mararka qaar jidhku waxa uu dareemaa waxoogaa daal ah marka uu biyo dhaco qofku.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo