Qof kastaa waxa uu leeyahay xuduudiisa. Xuduudaadu waxay kamid tahay shakhsiyadaada. Waxaad xaq u leedahay inaad yeelato xuduudaada qadarinta. Qofka iska dhago mariya xuduudaada kuma qadarin waxaanu shakhsi ahaan ku yeelay wax. Haddii lagu soo xad gudbo xuduudaada, waxaad xaq u leedahay inaad wax ka samayso. Xuduudada lamaanuhu way kala duwan yihiin.

Waxaa laga yaabaa in waxyaabo lamaanahaagu ogol yahay inaanad adigu ogolayn. Waxaad aqoonsan kartaa marka lamaanahaagu kasoo gudbo xuduudaada marka aad dareento inaanad ku qanacsanayn waxa dhacay. Xuduudaada ayaa laga soo gudbay marka uu qof kugu sameeyo waxaanad doonaynin. Mar kasta ma fududa inaad aqoonsato halka ay tahay xuduudaadu iyo halka ay tahay xuduudada dadka kale. Waa taas sababta ay muhiim u tahay inaad ka hadasho. U sheeg dadka kale meesha aan lasoo dhaafi karin, oo xaqiijiso inaad aqoonsato xuduudku dadka kale oo haku xad gudbin.

Laakiin waxaa jira waxyaabo ay cadahay inay ku xad gudbaan xuduuda. Kuwaas waxaa kamid ah, tusaale ahaan:

Kuwani tusaale ahaan waa tacadi oo maaha in loo in loo dulqaato. Haddii uu qof kusoo xad gudbo xuduudaada, waxaad ka heli kartaa kaalmo adiga oo tagaya saldhiga bilayska ama la xidhiidhaya xarunta latalinta.

Waxaa muhiim ah in labadiina lamaane aad iska heshaan. Tani waxay gacan ka gaysanaysaa in midba midka kale qadariyo. Labaduba waa inay ku heshiiyaan waxa la ogol yahay iyo waxa la diidan yahay. Qofna looma ogola inuu adeegsado tacadi jidh ahaan ama dareen ahaan ah si uu ka kale ugu khasbo inuu sameeyo wax. Isku day inaad noqotaan lamaane siman oo midba midka kale uu le'eg yahay. Mid waa inaanu awood ka kale ka badan yeelan. Labada lamaane waa inay iskula dhaqmaan qaab qadarin iyo isku soo jeed ah.

Diid

Haddii aad u aragto in xuduudaadii laga soo gudbay, markaa ka diid.

Mararka qaar waxaa dhici karta inay cadahay inaanad doonaynin wax, oo aanad sharixi karin sababtana. Waa iska caadi. Khasab maaha inaad go'aankaaga sharaxdo. "Maya" ayaa ku filan. Lamanahaagu waa inuu qadariyaa go'aankaaga.

Inaad tidhaahdo "maya" waxaa dhici karta inay adkaato, gaar ahaan haddii aad dareen xoogan u hayso lamaanahaaga. Waxaa dhici karta inaad ka baqato inaad waydo isaga / iyada. Laakiin diidmadaadu waa muhiim waana sax. Waxay si cad ugu muujinaysaa lamaanahaaga meesha ay xuduudaadu tahay.

Weligaa ha u balan qaadin lamaanahaaga haddii aanad si dhab ah u doonaynin shaygaas. U dheh "maya" si aad oo muuqata. Markaad sidaa leedahay, waxaad si wanaagsan indhaha u siisaa lamaanahaaga ilaa inta macquulka ah. Haddii aad awoodo, u sheeg iyada / isaga sababta aanad u doonaynin. Ku celi fariintaada marka ay daruuri tahay. Maaha inaad dareento danbiile nimo. Haddii aanu lamaanahaagu kaa aqbalin "mayada", doono kaalmo. Waxaad doonataa qof aad isku dhaw dihiin oo aad ku kalsoon tahay. Ama waxaad doonataa kaalmo xirfadle oo xarunta kaalmada ah.

Haddii uu lamaanahaagu si joogto ah kugu khasbo inaad samayso waxaad doonaynin inaad samayso, waxaa markaa wanaagsan inaad naftaada waydiiso haddii isaga / iyagu uu kuu yahay lamaanihii saxda ahaa.

Tacadiga galmada

Haddii uu qof kuu adeegsado tacadi galmo ama kuugu caga jugleeyo inuu kugu khasbi doono waxaanad doonaynin inaad samayso, waxaa loo yaqaan muquunin. Muquuninta waxaa lagu xad gudbay xududaada.

Tacadiga galmada marka uu qof waarero taas oo af ah ama ficil ah taas oo looga jeedo galo ama loogu talo galay in sharaftaada meel lagaag dhaco. Qofkaasi waxa uu ku xad gudbay xuduudaada si uu u dareemo awood.

Tacadiga galmadu waxa uu leeyahay noocyo badan. Way dhici kartaa, tusaale ahaan, iyada oo qaab tacadi galmado afka ah, usoo dhawaansho aan la doonaynin ama in lagugu khasbo hawlo galmo.

Tacadiga galmadu waa mamnuuc sharciyan, sida tacadiyada kale oo kale. Waxaa loo arkaa inuu yahay fal danbiyeed waxaana xidhi kara danbiila bilayska marka lasoo sheego.

Tacadiga galmadu waxa uu noqon karaa mid uu ku kacay lamaanaha, xubno qoyska ah, qaraabo, cid xidhiidh la leeyahay ama qof aan la galaynin.

Helida kaalmo

Ha dareemin dalbiile nimo oo haka xishoonin haddii aad lagugula kaco tacadiga galmo. Waxaa jira dad badan oo ay arrintani saamaysay. Doono kaalmo:

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo