Waxaad dooran kartaa qaab uur baajiye ah kaas oo adiga xaaladaada ku haboon iyo wakhtigaa noloshaada. Qaabka waad badali kartaa marka marxaladaha nolosha wax iska badalaan. Waxaa wanaagsan in la ogaado qaababka uur baajiyaha jira iyo su'aalaha ay tahay in naftaada la waydiiyo marka la dooranayo qaabka. Adiga ayay kugu xidhan tahay waxa aad dooranaysaayi.

Si aad u doorato qaabka ugu wanaagsan ee uur baajiyaha ah, waxaad iswaydiin kartaa su'aalaha soo socda:

  • Imisa jir ayaan ahay?
    haweenka yaryar aad ayay u qaadi karaan uur. Waxaa muhiim ah inaad doorato uur baajiyaha lagu kalsoon yahay.
  • Ma waxbaan iska iloobaa?
    Ma waxa aan leeyahay shaqo saacadeedu aan mar kasta la garanaynin?
    Ma waxa aan ku noolahay nolol mashquul ah?
    Waxaa badanaa xasuustaa marka aan isticmaalayo qaar kamid ah qaabka baajiyayaasha uurka.
  • Badanaa ma waxaan badalaa lamaanahayga?
    Khatarka lagu qaadi karo xanuunada galmada lagu qaado aad ayay u saraysaa haddii aad badbadasho lamaanaha. Naftaada ka ilaali xanuunada galmada ku faafa.
  • Kaliya ma inaan marmar galmo sameeyobaa?
    Waxaad isticmaashaa koondhom, koondhomka haweenka ama koobka uur baajinta kaliya marka aad doonayso inaad galmada samayso.
  • Waxaan cabaa sigaar? Miisaankaygu wuu culus yahay?
    Qaab kamid ah uur baajiyayaasha ay la socdaan hormoono, khatarta caafimaad way korodhaa haddii aad cabto sigaarka ama miisaankaagu culus yahay.. 
  • Maxaan awoodaa?
    Qaababka qaar uur baajiyayaashu waxay ka jaban yihiin kuwa kale.
  • Diintaydu miyay wax ka sheegtay uur baajiyaha, oo taasi aniga ma ii muhiimbaa?
  • Ma doonayaa in lamaanahayga ama qoyskayga aan uga waramo qaabka uur baajiyaha aan isticmaalo?
    Qaar kamid ah uur baajiyayaashu macquul maaha in la isticmaalaayi.
  • Ma doonayaa inay ii sii socoto caadadaydu (dhiigistu)? Ma doonayaa inaan helo caado joogto ah?
    Qaabka qaar kamid ah uur baajiyaha ayaa kaa caawin kara inay caadadaadu joogto noqoto. Qaar kale oo kamid ah dhalo baajiyayaasha, waxaa dhici kara inay caadadaadu kala goo go'do waxaa dhici karta inaad mararka qaar iska waydoba.
  • Ma ka soo horjeedaa in xirfad layaasha caafimaadku ay i geliyaan ama igu mudaan dawada dhalo baajiyaha ah ama aalada?
    Qaar kamid ah uur baajiyayaasha waxaad u baahan tahay inay kaa caawiyaan xirfadlayaasha caafimaadku, kuwa kalena uma baahnin.

Way dii khubarada caafiimaadka talo. Sidoo kale kala hadal lamaanahaga Uurka baajinta. Labada lamaane waxay wadagaan masuuliyada uur baajinta. Waxaad u wada tagi kartaan xirfadlaha caafimaadka.

Haddii habka qaar kuu shaqayn kari wayoo waxaad u badalan kartaa mid kale. Tusaale ahaan: haddii aad xanuunsato, aad yeelato saamayn caafimaad oo kale, lamaanahaagu aanu jeclaysan taas, ay qaali noqoto, iwm.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo