Haddii aad samayso galmo adiga oo aan isticmaalin wax kaa badbaadiya uurka ama xanuunada, waxaad dhici karta inaad uur qaado xataa haddii aanad doonaynin.

Nasiib daro iyo shil ayaa ku dhici kara adiga oo xataa uur baajiye qaatay. Tani waxay ka dhigan tahay waxaad qaadi kartaa uur adiga oo isticmaalay uur baajiye macal. Tusaale ahaan, koondhomku wuu qarxi karaa. Waxaad iloobi kartaa inaad qaadato kiniinka ama waxaad yeelan kartaa shuban xun oo kiniinka aad qaadatay sidii loo baahnaa inaanu u shaqaynin ayaa macquul ah.

Maxaan samaynayaa?

Haddii aad doonayso inaad uur qaado : Waxba ha samaynin.

Haddii aanad doonaynin inaanad uur qaadin, waxaad haysataa laba ikhtiyaar:

  1. Waxaad qaadan kartaa kiniinka uur baajiyaha degdega ah.
  2. Waxaad heli kartaa in xirfadle caafimaad uu ku geliyo IUD maarta ah.

Kiniinka uur baajiyaha gurmadka degdega ah

Kiniinka uur baajiyaha gurmadka degdeg ahi waxa uu dib u dhigaa ama keenaa inaanu soo bixin ugxaantu. Waa inaad qaatadaa kiniinka gurmadka degdega ah ee uur baajiyaha isla marka, waxaana la doorbidaa inay noqoto laba iyo tobanka saacadood ee ugu horeya marka aad galmo samayso. Waxaa jira laba dawo oo kala duwan oo ah kiniinka uur baajiyaha gurmadka degdega ah. Mid waxa uu shaqeeyaa ugu badnaan 72 saacadood (sadex maalmood) kadib marka aad galmada samayso, ka kalena waxa uu shaqeeyaa wax aan ka badnayn 120 saacadood (shan maalmood) kadib marka aad galmada samayso.

Waxaa jira laba dawo oo kala duwan oo ah kiniinka uur baajiyaha degdega ah.Waxaad iibsan kartaa kiniinka uur baajiyaha gurmadka degdega ah adiga oo aan u baahan in laguu qoro. Qof kasta maaha inuu isticmaalo kiniinka uur baajiyaha degdega ah. Waxaad ka heli kartaa talo ku saabsan kiniinka uur baajiyaha gurmadka degdega ah farmasi kasta ama xirfadle caafimaad.

Kiniinka uur baajiyaha gurmadka degdega ah ma keeno in ilmuhu uu soo dhaco. Kiniinka uur baajiyaha gurmadka degdega ah waxa uu ka hortagaa inuu yimaado uurku. Kiniinku maaha wax aad la iskugu halayn karo, markaa waa inaad martaa baadhitaan 3 todobaad kadib. 

Ha u isticmaalin kiniinka uur baajiyaha gurmadka degdega ah nooc uur baajiye ah. Haddii ay waajib tahay inaad qaadato kiniinka uur baajiyaha gurmadka degdega ah mar ama laba jeer, waxaa markaa wanaagsan inaad u wareegto ikhtiyaar kalsoonidiisu ka sarayso.

Si aad talo uga hesho qaabka kala duwan ee noocyo kale duwan oo uurka loo baajiyo waxaad la xidhiidhi kartaa dhakhtarkaaga, kaaliyaha caafimaad ama umulisada. 

Naxaas IUD oo loo isticmaalo uur baajiyaha gurmadka degdeg ah

Shanta maalmood ee ugu horeeya ee aad samayso galmo aanad wax badbaado ah isticmaalin, waxaa uurka sidoo kale lagaga hortagi karaa naxaas IUD. Waxaad is gelin kartaa naxaasta iud taas oo uu ku gelinayo dhakhtar, kaaliya caafimaadka shacabka ah ama umuliso. Si looga hortago in beedka la bacrimiyay uu galo makaankaaga.

Naxaas IUD waa qaab caadi ah oo uur baajiye ah kaas oo sidoo kale ku shaqeeya xaalada gurmadka degdeg ah. Waxa uu qofka ka ilaaliyaa markaba uurka aanu doonaynin. Isticmaalka IUD ee uur baajiyaha ah waxaa dhici kartaa inuu macne sameeyo haddii aad sidoo kale doonayso inaad u isticmaasho uur baajiye mustaqbalka. Naxaas IUD waxaa loo baahan yahay in kaliya la badalo shan sano kadib.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo