Irbada uurbajintu waa qaab uur baajin.

Irbada uur baajintu 1 hormoon ayay wadataa. Hormoonku waxay kahor tagtaa inay unugyada taranka ninku inay galaan ugxaanta. Waxay sidoo kale ku adkeyaan in biyahan taranka unugyadooda galaan ilma galeenka oo waxay ka ilaaliyaan inay unuga beedka gaadhaan. 

Sida ay irbada uur baayihuhu u shaqeyso

Xirfadle caafimaad ayaa bixiya irbada gacanta xageeda sare ama badhida. Waxaad u baahanaysaa mudis cusub sadex bilood ba (12 wiig).

Lagu kalsoon yahay

Mudista uur baajiyuha aad baa loogu kalsoon yahay hadaad si hagaagsan u isticmaasho.

Saamaynta uu ku leeyahay caafimaadkaaga

Irbada uur baajintu 1 hormoon ayay wadataa. Hormoonkani inta badan caafimaadkaga guud ma sameeyaan.
Mararka qaar waxaa wanaagsan balse, in aad doorato qaab kale oo uur baajiye ah. Tusaale ahaan haddii aad khatar ugu jirto in aad qaado wadne xanuunDhakhtar waydi talo.

Mudista uur baajiyuhu kaama dhigo beed ka mid aan qaan gaadhin . Haddii aad rabto inaad uur yeelato, waxaad kaliya iskaga daynaysaa in aad cusboonaysiisato irbada. Laakiin, waxay qaadan kartaa dhawr bilood, ama ilaa sanad, si wareegta caadi ugu soo noqoto.

Waxaa laga yaabaa in aad yeelato saamayn sida madax xanuun, isbadal dabecadeed, khalkhalwakhtiga caadada iyo xanuun naaso. Saamayntu inta badan waxay daran yihiin bilawga, kadib way iska tagaan iskood sadex bilood gudahood. Haddii dhibtu aanay tagin waxaad u badalan kartaa nooc kale oo uur baajin ah.

haweenka qaar waxaa laga yaaba in uu dhiig yar ka yimaado (dhiig u dheexeeya cadaada) ilaa dhawr isbuuc muditaanka hore kadib. Kani wax waxyeelo ah malaha. Haddii dhiiga u dheexeeya caadada uu joogsan waayo iskii waxaad qaadan kartaa mudista labaad 8-10 isbuuc halkaad ka qaadan lahayd 12. Dad yar ayaa waxay la kulmaan dhiiga u dhexeeyaa cadaada mudita labaad, haween badana dhiig kama yimaado gabi ahaan ba inta ay qaadanayaan muditaanka joogtada ah. 

Iska ilaalinta xanuunada galmada ku faafa iyo HIV

Uur baajinta irbada ah ma horjoogsado xanuunada galmada ku faafa ama HIV. Kaliya koondhom uun baa kaa ilaalin kara.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo