Norway, dhamaan haweenka uurka leh waxay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka inta ay uurka leeyihiin. Adeegyadu waa bilaash. Inta uurka la leeyahay waxaa xaaladaada la socon doona dhakhtarkaaga ama umuliso. Waxay kusiin doontaan talooyin iyo taageero si ay u xaqiijiyaan caafimaadka iyo badqabka ilmahaaga iyo adigaba.

Shaybaadhka hore inta uurka la leeyahay

Balan ka qabso dhakhtarka guud ama umulisada marka aad ogaato inaad uur leedahay. Waxaad dooranaysaa haddii aad doonayso in aad u tagto dhakhtar guud, umuliso ama labadooduba inay xaaladaada la socaan. 

Haddii aad uur leedahay dhakhtarka iyo / ama umulisadu waxay daryeeli doontaa adiga iyo ilmahaaga inta aad uur leedahay. Waxaa lagu siin doonaa shaybaadh joogto ah iyo latalin. Marka lagu baadhayo waxaad kala hadli kartaa wixii xaalad ama mushkilad ah ee aad qabto. Waxaad waydiin kartaa wax kasta oo aad doonto inaad ogaato ee ku saabsan uurka iyo umusha. Waxaad sidoo kale kala hadli kartaa wakhtiga dhalmada kadib iyo wixii ku saabsan naasnuujinta.

Waxaad heli kartaa kaalmo uu ku siiyo turjumaan xirfadle ah inta aad latashigan ku jirto. 

Waxaa lagu siin doonaa waraaqo loo yaqaano "helsekort for gravide" (baasboorka kaadhka caafimaadka uurka hooyada). Dhamaan macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan uurkaaga ayay ku qori doonaan dhakhtarka ama umulisado baasboorkakaadhka caafimaadka uurka. Waa inaad soo qaadataa baasboorka kaadhka caafimaadka uurka hooyada marka aad u imanayso dhakhtarka, umulisada iyo marka lagu dhigayo isbitaalka. Haddii ay dhacdo xaalad gurmad degdeg ahi, waa inaad mar kasta sidataa baasboorkaaga kaadhka caafimaadka uurka hooyada marka aad uurka leedahay. 

Shaybaadh hore oo joogto ah

Waa tan waxa uu dhakhtarku iyo / ama umulisadu samayn doonto:

  • Isaga ama iyadu waxay ku waydiin doonaa su'aalo naftaada ku saabsan, uur hore haduu jiray, taariikhda caadadaadii ugu danbaysay, lamaanahaaga, labada qoys ee lamanaaha, iwm., si wax badan looga ogaado uurkaaga.
  • Isaga ama iyadu waxay eegi doonaan miisaankaaga, cadaadiska dhiigaaga iyo makaankaaga. Waxaa sidoo kale lagaaga baahanayaa kaadida in lagaa qaado. 
  • Isaga ama iyadu waxay kuu sheegi doontaa wixii xanuuno ah ama aan caadi ahayn ee laga heley shaybaadhaddii lagaa qaaday ee ilmahaaga (xanuunka dhalmada kahor). Adiga ayaa go'aansanya haddii aad doonayso in shaybaadhka lagugu sameeyo iyo haddii kale.
  • Isaga/iyadu waxay kaa waraysan doontaa caafimaadka maskaxdaada iyo haddii aad qabto ama hore u qabtay wax dabeecad xumo iyo/ama jahwareer.
  • Haddii ay daruuri noqoto, isaga ama iyadu waxay samayn doonaan shaybaadh iyada oo wax gelin doona gudaha ferjiga.

Waxaa lagu saarin doonaa altaraasown si loo sawiro inta aad u jirto 17-19 todobaad oo uurka ah si loo: 

  • ogaado taariikhda la filan karo umulida,
  • eego haddii aad sido hal ilmo ama wax ka badan,
  • si loo eego meesha ay joogto madheertu.

Wixii ka danbeeya 24 todobaad ee uurka waxaa aad dareemi doontaa dhaq dhaqaaq ilmaha oo maalin kasta ah. Waa inaad la qabsato qaabka uu ilmuhu u dhaqdhaqaaqayo. Waxaad markaa kala sheegi kartaa haddii ilmaha dhaqdhaqaaqiisu uu isbadalay inta danbe ee uurka. Tani waxay calaamad u noqon kartaa inay jiraan wax khaldani. 

Waxaa lagu saarin doonaa altaraasown si loo sawiro inta aad ku jirto 17-19 todobaad ee uurka.
Haweeney dhabarka u jiifta oo la baadhayo. Waxaa diirada la saarayaa kiriimka. Haddii loo baahdo, dhakhtarku waxa uu samayn doonaa shaybaadh gudaha ferjiga ah dhamaadka uurka.
Sharaxa shaybaadhka gudaha ferjiga haweeneyda: dhakhtar far gelinaya gudaha ferjiga si uu u eego afka makaanka inuu diyaar yahay oo uu furan yahay. Isaga/iyadu waxay eegeysaa qaabka ilmuhu u yaalo oo banaanka ayuu ka eegayaa.

Xaaladaha Gurmadka Degdega ah

Waxaa jira dhawr xaaladood oo degdeg ah. Markaa dib uma dhigan kartid. Dhakhtarka ama umulisada la xidhiidh haddii aad:

  • aad u dhacday caloosha,
  • ay calooshu ku xanuunayso,
  • aad qabto xumad aad qaytay dhawr maalmood,
  • aad qabto madax xanuun daran,
  • aad indhaha si wanaagsan waxba uga arki waydo,
  • uu neefsigu kugu adkaado,
  • uu maqaarkaagu buluug noqdo,
  • aad dareento inaanu ilmaha u dhaqdhaqaaqaynin sidii hore oo kale,
  • uu miisaankaagu aad hoose ugu dhacay

ama haddii

  • dhiig uu kaa socdo gudaha ferjiga,
  • haddii dheecaano aad u badan oo cadaan ahi kaasoo baxaan gudaha ferjiga oo uraya,
  • dheecaanka amniotic uu kaasoo baxo gudaha ferjiga.
Dhakhtarka u tag haddii aad caloosha u dhacday.
Dhakhtarka u tag haddii aad caloosha xanuun daran ka dareemeyso.
Dhakhtarka u tag haddii aad leedahay xumad joogto ah.
Dhakhtarka u tag haddii dhiig badan u gudaha ferjiga kaasoo baxo.
Dhakhtarka u tag haddii miisaankaagu aad hoos ugu dhaco.
Dhakhtarka u tag haddii uu dareere kasoo baxo gudaha ferjiga.
Dhakhtarka u tag haddii dheecaano badan oo cadaan ahi kaasoo baxaan gudaha ferjiga oo uraya.

Dagaalka lamaanaha inta uurka la leeyahay

Dagaalka lamaanuhu waa qaab dagaal kasta oo u dhaxeeya dadka xidhiidhku ka dhaxeeyo. Dagaalka lamaanaha sharcigu wuu mamnuucay. Sharcigu waxa uu kaa ilaaliyaa in lagula dagaalo, taas oo macnaheedu ka dhigan tahay waxaad xaq u leedahay inaad taageero iyo caawimaad hesho.

Dagaalka lamaanaha ee inta uurka la leeyahay waxa uu mushkilad caafimaad ku keeni karaa hooyada iyo ilmaha. Mushkiladu waxay noqon kartaa mid jidha ahaan ah ama mid maskaxda ah. Tusaale ahaan: warwar, isku buuq, dhiig bax, dhiikar, dhicin, miisan yar oo dhalmo, dhicinta ilmaha.

Badanaa ilmuhu waxa uu u baahdaa daryeel dheeraad ah marka uu dhasho.

Haddii aad la kulanto dagaal lamaane inta aad uurka leedahay, ka dalbo kaalmo dhakhtarka ama umulisada.

Xarunta caafimaadka hooyada iyo ilmaha

Xarunta caafimaadka ilmaha iyo hooyadu waa adeeg la siiyo haweenka uurka leh, caruurta u dhaxaysa 0 ilaa 5, iyo waalidkood. Xarunta caafimaadka hooyada waxaa ka shaqeeya umuliso, kaaliyaha caafimaadka shacabka, dhakhtar iyo dhakhtar cilmi nafsi. Xarunta caafimaadka shacabka oo ay ku lamaan yihiin adeegayda dawlada hoose ee kale iyo isbitaalada deegaanku. 

Xarunta caafimaadka shacabka waxay bixisaa daryeelka dhamaan caruurta joogto Norway oo bilaasha ah. Adeegyada lagu bixiyo waxaa kamid ah shaybaadhka caafimaad, talaada iyo bixinta talooyinka iyo latalinta waalidka. Caruurtu waxay xaq u leeyihiin inay helaan shaybaadhka caafimaad ee dawlada hoose ee ay degan yihiin, ama si ay kumeel gaadh ah u joogaan. Caruurta aan haysan daganaanshaha rasmiga ah ee Norway waxay leeyihiin xuquuq lamid ah caruurta kale. 

Dawladaha hoose qaar, xarumaha caafimaadka shacabku waxay bixiyaan daryeelka dhalmada kahor iyo adeegyada umulisada. 

La xidhiidh caafimaadka dalwadaada hoose iyo adeegyada daryeelka ama ka eeg websaytka dawlada hoose si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan umulisooyinka iyo xarumaha caafimaadka shacabka ee dawlada hoose ee halka aad degan tahay.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo