Kiniinka uurbajiyuhu waa qaab uur baajin.

Kiniinka uur baajinta inta badan  waxaa loo iibiyaa xidhmooyin 21 ama 28 kiniin. Waxaa jiira noocyo kala duwan iyo xidhmooyin. 

Kiniinka uur baajiyahay caadiga ah waxaa ku jiraa laba hormoon. Sidoo kale, waxa jiraa kiniino uur baajiye ay ku jiraan hal hormoon oo kaliya, kaas oo lagu magacaabo isku darka kiniinada kaliya. Hormoonadani waxay horistaagan dilaac, waxay sidoo kale ku adkeeyaan in biyaha taran ninku galaan makaanka

Sida loo qaato kiniinka uur baajiyaha

Kiniinka uur baajiyahay caadiga (kiniinka waxaa ku jiraa laba hormoon)

Xidhmo ay ku jiraa 21 kiniin waxaa in loo isticmaala sida soo socota:

  • Ka qaado 1 kiiniin xidhmada maalinkasta isku wakhti. Maalmaha isbuuca waxay inta badan ku qoran yihiin xaga danbe ee xidhmada. Waaxad eegi kartaa in aanad ilaawin in aad qaadato kiniinkaaga.
  • 21 cisho ka dib (3 isbuuc) xidhmadu way dhamaatay.
  • 7 da cishoo ee soo socota (1 wiig), ma qaadanaysid wax kiniin ah. Isbuucan waxaad bilaabaysaa in aad gudaha ferjiga ka dhiigto (xiligii caadada). Markaa todobaadkan waxba kuguma dhacayaan.
  • 7 cisho kadib (1 wiig) waxaad bilaabi kartaa xidhmo cusub oo kiniin ah, haddii uu dhiig kaa socdaa xataa.
  • Sii wad in aad raacdo talaabooyinkii hore. 

Xidhmo ay ku jiraa 28 kiniin 7 dii kiniinn 4 tii u danbeeyay waxay leeyihiin midab ka duwan. Kuwani ma wataan hormoono, waxaan sidaa loo yeeley aad u xasuusato in aad qaadatay kiniinkaga malin kasta. 

Isku darka kiniinada kaliya

Isku darka kiniinada kaliya waxay ku yimaadan xidhmooyin 28 kiniin ah. Kinaanada oo dhani waxay wataan isku dar. Qaado hal kiniin maalin kasta isku wakhti, adigoon kala qoynin.

Ka qaado 1 kiiniin xidhama maalinkasta isku wakhti.
Kiininka uurbaajinta joogtada: 21 cisho ka dib (3 isbuuc) xidhmadu way dhamaatay. 7 da cishoo ee soo socota (1 wiig), ma qaadanaysid wax kiniin ah. Wiigan caadada ayaa bilaabmaya. 7 cisho kadib (1 wiig) waxaad bilaabi kartaa xidhmo cusub oo kiniin ah, haddii uu dhiig kaa socdaa xataa.
Isku darka kiniinada kaliya: Qaado hal kiniin maalin kastaa isku wakhti, adoon kala qoynayn.

Lagu kalsoon yahay

Kiniinka uur baajiyuha aad baa loogu kalsoon yahay hadaad si hagaagsan loo isticmaalo.
Kiniinka uur baajintu wuxuu noqon karaa mid aad badbaado badan ah, haddii:

  • Markasta u ma qaadatid isku wakhti (gaar ahaan hadaad qaadatid kiniinka wax ka badan 12 sacadood xiligii aad caadi ahaan u qaadan jirtay);
  • Waad matagtay 3 sacadood ka dib markaad kiniinka qaadatay;
  • Waxaad yeelatay shuban aad u daran dhawr sacadood ka dib markaad qaadatay;
  • Waxaad qaadata antibiotics, laxatives ama kiniin ka hortaga epilepsy ama HIV. Ka hubi arinka dhakhtar ama farmasiilaha;
  • Waxaad ilawday in aad qaadato kiniin. 

Isticmaal koondhom haddii aad samaynayso galmo marka aanu kiniinka uur baajiyuhu badbaado ahayn.

Saamayn ma ku leeyahy caafimaadkaaga?

Kiniinka uur baajiyuhu wuxuu wataa hormoono. Hormoonadani inta badan caafimaadkaga guud ma saameeyaan.
Kisaas qaar waxaa wanaagsan balse, in aad doorato qaab kale oo uur baajiye ah. Tusaale ahaan: haddii maalintaa aad cabto wax ka badan 15 sigaar ah da'daaduna ay kawayn tahay 35, haddii aad khatar ugu jirto in uu kugu dhaco wadne xanuun ama xudurada xididaha. Dhakhtar waydi talo.

Kiniinka uur baajiyuhu hoos uma dhigaan awoodaada aad uurka ku qaadayso sida kale. Haddii aad doonayso inaad uur qaado, kaliya waxaad joojinaysaa qaadashada kiniinka.

Kiniinka uur baajiyuhu inaad cayisho kuuma hor seedayo. 

Kiniinka uur baajintu ma kordhiyo timaha ku yaala jidhaka.

Bisha ugu horaysa ee aad isticmaasho, waxaad laga yaabaa in aad yeelato samayn sida xanuunnaasa ah, dhiig fufud oo u dhexeeyaa 2 wakhtiga caada, dabeecada oo isbadasha, madax xanuun iyo lalabo. Saamayntu inta badan waxay daran yihiin bilawga, kadib way iska tagaan iskood sadex bilood gudahood. Haddii dhibtu aanay tagin waxaad u badalan kartaa nooc kale oo uur baajin ah. Waxaa kale oo jira kiniino kale. Wadajir adiga iyo dhakhtarkaagu, waxaad helin kartaa kiininada adigu kugu haboon.

Wakhtigaa caadadu inta badan wuxuu noqon doona mid yar xaga xanuunka.

Iska ilaalinta xanuunada galmada ku faafa iyo HIV

Kiniinka uur baajiyihu ma ka hor tago xanuunada galmada ku faafa amaHIV. Kaliya koondhom uun baa kaa ilaalin kara.

Kiniinada-yaryar

Waxaad isticmaali kartaa kiniinada-yaryar. Waxaa uu la mid yahay uur kiniinka baajiya uurka ee caadiga ah, lakiin amaan maaha. 

Kiniinada-yaryar waxaa ku jira 1 hormoon. Hormoonku waxaa ku adgeeyaan in biyaha taranku ay galaan ilma galeen oo ay gaadhaan unuga beedka.

Dhibaatad u caansen ee kiniinada-yaryar waxaa weeye caadada oo khalkhasha iyo dhiig u dheexeeya 2 caado.

Sidaa loo qaato kiniinada-yaryar

U qaado kiniinada-yaryar sida soo socota:

  • Qaado 1 kiniin maalinkasta isku wakhti;
  • Markaad dhamayso xidhmo 28 cisho (4 wiig), mid cusub bilow maalinta ku xigta. Waad wadaysaa qaadashada kiniinada-yaryar inta aad ku jirto caadada.

Kiniinada-yara way amaan yar yihiin haddii aad ilawdo in aad qaadato wax ka badan 12 sacaadood xiliigaagi caadiga ahaa.  

Ka qaado 1 kiiniin xidhama maalinkasta isku wakhti.
Markaad dhamayso xidhmo 28 cisho (4 wiig), mid cusub bilow maalinta ku xigta. Waad wadaysaa in aad qaadato kiniida-yaryar intaad ku jirto wakhtiga caadadaada.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo